Xiddiga kooxda kubbada cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa ugu dambayn saxiixay heshiis afarta sano ee soo socota uu kula joogayo naadiga uu 13 jirkiisii ku soo biirey.

Messi ayaa toddobaad walba waxa uu mushaar ahaan u qaadan doonaa £500,000, warkan ayay Barcelona ku dhowaaqday xilli uu goobjoog ka ahaa saxiixa Messi Madaxweynaha kooxda  Josep Maria Bartomeu.

Lacagta heshiiskan lagu burburin karo ayaa la gaarsiiyay  700 milyan euros iyada oo Barca wax ka baratay heshiiskii Neymar Jr.

Marka lagu daro mushaarkiisa toddobaad walba ee ah  £500,000-a-week  waxa uu Messi heli doonaa gunoo dhan £80million haddii uu heshiiska sii kordhiyo oo waqti dheeraad ku daro.

Lionel Messi ayaa 602 kulan u ciyaaray Barcelona waxana uu u dhaliyay 523 gool. Halka uu 30 kula guuleystey.