Xulka qaranka Argentine ayaa si dirqi ah uga badiyay xulka qaranka Russia kulan saaxiibtinimo oo ka mid ah kulamada ay xulalku isugu diyaarinayaan koobka adduunka.

Kulanka ayaa ahaa kulan xiiso leh oo ay labada xulka ciyaareen ciyaar qurux badan inkasta oo xulka Argentine ahaa xulka hayay maamulka kulanka.

Labada xul ayaa isku dhaafi waayay bar-baro eber iyo eber ah qaybtii hore ee ciyaarta  inkasta oo ay labadooduba fursado heleen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu xulka Russia la soo galay dar-dar iyaga oo dhawr jeer sigay goolka xulka Argentine halka ay si fiican u difaacanayeen goolkooda.

Xilli ay ciyaartu u muuqato mid bar-baro goolal la’aan ah ku dhamaanayso laguna jiro daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayay Argentine ciyaarta wax ka badashay.

Daqiiqadii 86-aad ayuu xulka Argentine helay goolka 1-aad iyaga oo uu gool madi ah oo uu u dhaliyay xiddiga kooxda Man city ee Sergio Aguero kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Ciyaarta ayaa ku soo gabagabowday halka gool ee uu dhaliyay xulka Argentina iyadoo la ogyahay in xulka Argentina uu ka mid yahay xulalka ugu  ciyaarta wanaagsan caalamka balse ku soo baxay sanadka si dirqi ah.