C/kariin Guuleed oo xaalad deg deg ku soo rogay deegaanada Galmudug

by mahad | Tuesday, Jan 10, 2017 | 6297 views

January 10 (Jowhar)—Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Cabdkarin Xasan Guuleed oo maanta ay ku dhowaaqeen Baarlamaanka Galmudug inay kalsoonida kala laabteen ayuu ku sheegay in uu lagu soo rogay xaalad deg-deg ah Galmudug.

 

Wareegtadan oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Galmudug Cabdkarin Xuseen Guuleed ayaa waxaa ku taariiqeysan tahay 9ka bisha Janaayo 2017 oo ah maalin kahor markii ay ku dhowaaqeen xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug inay xilka ka qaadeen.

Xukunkan deg-dega ah ayaa socon doona muddo 90 maalmood ah oo laga bilaabao 9ka bisha Janaayo 2017. Waxana qoraalka lagu amray ciidamada amniga inay u hogaamsamaan amarka uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug.

Halkan hoose ka aqriso Wareegtada uu soo saaray madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

qoral-galmudug

Like it? Share it!