Costa Rica oo wacdaro ku dhigtay Uruguay, markii 3-1 ku garaacday, kadib soo laabasho deg deg ah

by A M | Saturday, Jun 14, 2014 | 1046 views

Xulka Costa Rica ayaa si layaab leh uga badiyay xulka Uruguay oo la filayay inay ka badin doonaan, waxaana xulkan oo ay ugu dambeysay Tartanka Koobka Aduunka sanadkii 2002-dii ay la soo baxeen shar aan laga fileyn.

Group D oo ah Group-ka Geerida oo ay ku wada jiraan Xulalka Italy, England, Uruguay iyo Costa Rica ayaa durba ku bilowday natiijooyin aan la fileyn, kadib markii xulka Costa Rica ay ku garaacday Uruguay 3-1.

Xulka Uruguay oo uu dhaawac uga maqnaa xidigooda Luis Suarez oo kursiga keydka fadhiyay ayaa la amakaagay natiijada ciyaarta, iyo sida xulkiisa guuldarada uu ku bilowday.

Uruguay oo ay goolka ku hormartay qeybtii hore ee ciyaarta kadib rigoore uu gool u bedelay Edinson Cavani, ayaa la is lahaa si fudud ayay ku dhaafi doontaa Costa Rica, markii qeybtii hore ay ku dhamaatay hal gool iyo waxba oo ay hogaanka ku heysay.

Laakiin qeybtii labaad ayay wax walba is bedeleen markii Costa Rica ay dib boorka isaga soo jaftay saddex daqiiqo gudaheed ay natiijada wax weyn uga bedeshay.

Wiilka dahabiga ee ay milkiyadiisa leedahay Arsenal Joel Campelle ayaana ahaa geesigii Costa Rica u soo baxay ee wacdaraha ku dhigay Urugauy, markii goolka bar baraha uu ka dhaliyay, labo daqiiqad kadibna uu keenay kubad laad xor aheyd oo isaga lagu galay, waxaana kubadaas laadka xorta ah madax ugu dhaliyay xulka Costa Rica ciyaaryahan Oscar Duarte oo ciyaarta ka dhigay 1-2

Joel Campell oo amaah ugu ciyaara kooxda Olympaikos ee dalka Greec ayaa goolka saddexaad caawiye ka noqday, kadib markii baas dhex bixis u sameeyay ciyaaryahan Marcos Urena oo quusiyay xulka Uruguay, ciyaartana ka dhigay 3-1.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa Uruguay laga saaray oo kaarka gaduudan loo taagay ciyaaryahan Maxi Pereira kadib qalad uu ku galay mid ka mid ah ciyaaryahanka Joel Campell oo uu jalaafeeyay

Xulka Costa Rica ayaa digniin u dirtay xulalka kula jira Group D ee England iyo Italy oo caawa fooda is dari doona, iyadoo u sheegtay in aanay sahlaneyn.

Costa Rica ayaa sidan oo kale sanadkii 1990 koobkii Aduunka ee lagu qabtay Talyaaniga soo laabasho deg deg ah sameysay markii Sweden oo ay gool ugu hormartay ay labo gool deg deg ah ugu bedeshay.

article-2658017-1EC4920400000578-412_636x458 article-2658017-1EC484E400000578-317_634x438 article-2658017-1EC44B4300000578-498_634x441 article-2658017-1EC4BB2200000578-605_634x418 article-2658017-1EC4B18800000578-598_634x387 article-2658017-1EC4B3B900000578-600_634x313 article-2658017-1EC4A26800000578-545_634x394

Like it? Share it!