Dagaalo culus oo saakay ka socda gudaha magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

by A M | Monday, Jun 9, 2014 | 7102 views

Dagaalo xoogan ayaa saakay ka socda gudaha magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo mid ka mid ah beelihii mudooyinkan ku dagaalamayay gobolka ay qabsadeen qeyb ka mid ah magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday duleedka magaalada Marka, halkaaasoo saacado markii lagu soo dagaalamay uu dagaalka ku soo fiday magaalada Marka gudaheed.

Dagaalada ayaa xalay ka qarxay Ceel wareegow, Buufow ilaa Ceel-Jaale oo ku dhow magaalada Marka, iyadoo ilaa saaka la maqlayay hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac ee dagaalamayay.

Ilaa sideed ruux ayaa la xaqiijiyay in dagaalka ku dhinteen, waxaana dagaalada oo u muuqda mid siyaasadeed oo la mid ah dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacayay uu u muuqdaa mid sii daba dheeraaday, marar badan oo heshiis la dhex dhigayna aan lagu guuleysan inay waarto.

Warar qaar ayaa sheegaya in maleeshiyada ka soo jeeda Beesha H/gidir oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ee ku buufsan astaanta ciidamada Milateriga ay qeyb ka mid ah la wareegeen magaalada Marka.

Labadii todobaad ee u dambeysay ayaa dagaalo ka dhacayay deegaano hoos yimaada Marka, Shalanbood, awdheegle ilaa Janaale waxaa uu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda oo hab beeleed u abaabulan, kuwaasoo ka soo kala jeeda Beelaha H/gidir iyo Biya-maal, waxaana dagaaladan ay salka ku hayeen lahaansho dhul u badan azeendooyin beereed.

Dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa saaka waabarigii hore bilaabay inay ka barakacaan, iyagoo u baxsanayay dhinaca deegaaada kale ee xeebta xigta, maadaama dagaalka uu dhanka laamiga uu ka soo bilowday.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Like it? Share it!