Diyaarinta Mooshin la doonayo in laga gudbiyo Madaxweynaha oo dib u soo xoogeysanaya (Warbixin)

by A M | Thursday, May 22, 2014 | 11264 views

Guluf xoog leh iyo olole ballaaran ayaa ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo xildhibaanada ku kacsan Madaxweynaha ay wadaan diyaarinta mooshin ay ka gudbinayaan, waxaana magaalada ka socda loolan0 iska soo horjeeda.

Warar lagu kalsoon karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in xubnaha Xildhibaanada ee todobaadyo ka hor Madaxweynaha ugu baaqay inuu is casilo ay dib u soo laba kacleeyeen, kadib markii maalmihii la soo dhaafay shanqartooda yaraatay, isla markaana kala fur furis lagu sameeyay.

Shirar gaar gaar ah oo saacadihii u dambeeyay ku qaateen qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho ayay mar kale dib isugu abaabuleen, waxaana la sheegayaa in xildhibaano dibada ku maqan ay sugayaan.
Xubnahan ku howlan diyaarinta mooshinkan ayaa looga baahan yahay saddex dalool hal dalool inay gudbiyaan oo ah 94 xildhibaan, iyadoo la xaqiijiyay in ilaa 84 Xildhibaan ay hada qoran yihiin.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay inay heystaan tirada loogu tala galay ee gudbin kara mooshin.

Inkastoo ay ka go’an tahay in Xildhibaanada ay mooshin ka gudbiyaan Madaxweynaha, hadana waxaa loolan adag dhinaca kale ka wada Xildhibaanada taageersan madaxweynaha, kuwaasoo maalmo ka hor shir ku yeeshay Muqdisho, waxaana kooxdan taageersan Madaxweynaha dadaal ugu jiraan sidii ay yareyn lahaayeen tiradii loogu tala galay ee gudbinta mooshinka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha ku kacsan Madaxweynaha ee haatan dib u soo laba kacleeyay ay sugayana xubno muhiim ah oo dibada ku maqan, kuwaasoo la filayo in maalinta berri ama maalmaha soo socda ay soo galaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada la sugayo ee ku biiraya Xildhibaanada ka soo horjeeda Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Xaaskii Ra’iisul Wasaarihii hore Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah dadka ku kacsan Madaxweynaha, marar badana eedeymo u jeediyay Madaxweynaha.

Marka laga soo tago gulufka iyo ololaha ay wadaan Xildhibaanadan, ayaa hadana waxaa jira caqabad labaad oo Madaxweynaha heysata, gaar ahaan Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo ku goodinaya hadii aan la aqoonsan Maamulka lixda Gobol ee Koofur Galbeed ay ku biirayaan xubnaha ku howlan diyaarinta mooshinka.

Arrintan ayaa noqon karta in Madaxweynaha ku noqoto labo daran mid dooro, iyadoo magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Madaxda Maamulka Koofur galbeed ee lixda gobol oo uu hogaaminayo Madoobe Nuunow.

Si kastaba ha ahaatee xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho oo maalmo ka hor u muuqday kuwo yaraanayay, ayaa mar kaliya shalay iyo saakay ay dib mar kale u soo laba kacleysay xiisadii siyaasadeed ee u dhaxeysa Madaxweynaha iyo Xildhibaanada ka soo horjeeda.

Like it? Share it!