Dowlada Maraykanka oo sheegtay in muwaadin Maraykan ah uu isku qarxiyay dalka Siiriya

by mahad muuse | Sunday, Jun 1, 2014 | 2631 views

Saraakiil u hadashay wasaaradda arimaha dibada dalka Maraykanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen magaca muwaadin Maraykan ah kaasoo ka mid ahaa weerar is miidaamin ah oo ka dhacay dalka Siiriya 25kii May ee sanadkan.

‘Muwaadinka Maraykanka ah ee isku qarxiyay dalka Siiriya waxaa lagu magacaabi jiray Moner Mohammad Abu-Salha,’ayay tiri afhayeenad u hadashay wasaarada arrimaha dibada Maraykanka S Jen Psaki.

Abu-Salha oo ku magac dheeraa “Abu Hurayra Al-Amriki,” ayaa la sheegay in uu waxbarashadiisa ku soo qaatay Florida waxa uu tegey sanadkii hore dalka Syria, halkaas oo uu ku biiray maleeshiyaadka la dagaalamaya dowlada Siiriya.

Muwaadinkan Maraykanka ah ayaa la rumeysan yahay in uu ka mid ahaa dadkii weerarka ismiidaaminta ahaa ku qaaday gobolka Idlib ee dalka Syira. Weerarkan ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad taageersan Jabhat al-Nusra oo ah urur taageersan Al Qaeda isla markaana doonaya in ay afgambiyaan madaxweyne Bashar Assad.

Abuu Salha ayaa noqday muwaadinkii u horeeyay oo Mareykan isku qarxiyay Siiriya

Abuu Salha ayaa noqday muwaadinkii u horeeyay oo Mareykan isku qarxiyay Siiriya

Abu-Salha ayaa la rumeysan yahay in uu yahay ninkii Maraykanka ahaa ee ugu horeeyay ee isku qarxiya dalka Siiriya isagoo taabacsan ururka Alqaeda.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee dalka Syria ayaa ugu yaraan boqol Maraykan ah waxaa ay u safreen dalka Syria si ugaga mid noqdaan kooxaha la dagaalamaya madaxweyne Assad.

 

 

 

Like it? Share it!