Duqa Muqdisho “hubka oo aan xakameysneyn ayaa ka qeyb qaadanaya Amni darada”

by A M | Sunday, Jul 10, 2016 | 2872 views

July 10 (Jowhar)— Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in amni darada iyo weerarada qaar ee Al-Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho ay sabab u tahay Hubka oo aan xakameysneyn iyo ciidamada hubeysan ee ka yimaada furimaha oo aan laheyn xerooyin.

Yuusuf Jimcaale oo wareysi siinayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isu ekeysiiyaan ciidamada, xilliyada ay weerarada fulinayaan.

“Ciidamada Milateriga ee furimaha aadayay iyo kuwii ka soo laabtay intaba ayaa soo galaya magaalada, dalalka qaarna sidan wey ka dhacdaa maadaama dalka uu ku jiro xaalad dagaal, wey adag tahay marka in la xakameeyo hubka”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xerooyinkii ciidamada lagu xareyn lahaa ay bur bureen, taasna ay keeneyso marka ciidamada ay furimaha ka soo laabtaan inay magaalada gudaheeda soo galaan.

Waxaa uu sheegay in baabuurta hubeysan ee magaalada mara aan la baarin, taasna ay keeni karto in askarta tuutaha wadata la isu ekeysiiyo, sidaasna Al-Shabaab ugu soo gambadaan sida uu yiri.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraradii ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxay isu ekeysiiyeen sida ciidamada dowladda, sida iyagoo xirnaa dareyska ciidamada.

Like it? Share it!