Duuliyihii u dhashay dalka Jordan oo nolosha lagu gubay

by A M | Tuesday, Feb 3, 2015 | 10781 views

Muuqaal barta Internet-ka ay soo dhigtay dowladda dowladda Islaamiga ee ISIS ama Daacish ayaa muujinayay duuliyihii reer Jordan ahaa Mucaad Al-Kasasbeh oo nolosha lagu gubay.

Duuliyahan oo lagu dhex xiray qafis bir ah ayaa lagu dhex gubay, waxaana muuqaalka la soo bandhigay ay ka dhex muuqdeen dagaalyahano ka tirsan ISIS oo aad u hubeysan.

Mucaad oo la qabtay bishii December, xilli diyaaradii uu duuliyaha ka ahaa la soo riday, isagoo u socday howl gal uu kala qeyb qaadanayay isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee dagaalka ka dhan ah kula jira Kooxda IS.

Telefishinka Jordan ayaa xaqiijiyay dhimashada Mucaad, balse waxaa uu sheegay in bil ka hor la dilay duuliyaha.

Muuqaalka filmkan ayaa la soo dhigay Talaadadii maanta ah Bar Twitter ah oo aad loogu kalsoonaan karo, isla markaana inta badan baahisa dacaayadaha ISIS.

Mucaad ayaa ka soo muuqday isagoo dhex socda dhismo ku bur buray weerarada cirka ee fuliyeen xulafada Mareykanka uu hogaamiyo.

Dad qaraabo la ah duuliyaha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada qalabka sida ee Jordan ay ku wargeliyeen eheladiisa in la dilay Mucaad.

Shacabka Jordan ayaa doonayay in Mucaad oo bedqaba ay dowladdu soo deyso, iyadoo sameyneysa wax walba oo karaankeedana ku bixiso, inkastoo aanu dadaalkaas mira dhal noqon.

Jordan ayaa dadaal ugu jirtay sidii duuliyahan u bad baadin laheyd, waxaana socday qorshe la doonayay in la is dhaafsado Mucaad iyo Haweeneyda lagu magacaabo Saida Al-Rishawi oo ku xiran Jordan, taasoo qeyb ka aheyd weeraradii bambaano ee sanadkii 2005 lagu qaaday Hotel ku yaala caasimada Cammaan.

Kooxda la baxday dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa horay u soo bandhigay muuqaalo argagax lahaa, waxaana muuqaaladaas oo ahaa qoor-goyn muwaadiniin u dhashay Mareykanka, Britain, Japan iyo dagaalyahano ka tirsan Ciidamada Kurdiyiinta, kuwa Ciraaq iyo Suuriya.

mucad

 

Like it? Share it!