Fagaaraha Uhuru Park ee Nairobi oo kala carar ka dhacay maanta kadib markii lagu arkay boorso aan cidna wadan

by mahad muuse | Friday, May 30, 2014 | 5167 views

Kala carar iyo cabsi xoog leh ayaa waxa ay ka dhacday fagaaraha Uhuru Park ee magaalada Nairobi kadib markii la arkay boorso meel taal oo aan cidna wadan.

Ciidamada Booliska ayaa loo yeeray iyadoo halkaasi dadkii marayay laga fogeeyay si loo baaro boorsada iyo waxa ku jiraba.

Boorsada lagu arkay fagaaraha Uhuru ayaa waxaa markii dambe sheegtay wiil dhalinyaro ah sida ay qortay Reuters.

Fagaaraha Uhuru ayaa waxaa lagu wadaa in berrito lagu soo dhoweeyo Raila Odinga iyadoo xisbiga isbhaysiga Cord ay wadaan diyaargarow lagu soo dhoweynayo.

Mr Odinga ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka yimaado dalka Maraykanka isagoo muddo labo bilood ah ku sugnaa.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Mr Odinga ayaa ka codsaday taageerayaashiisa in ay is dejiyaan isla markaana ay ka fogaadaan garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta si aan ciriiri loo gelin howlaha ka socanaya garoonka.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay labadii sano ee la soo dhaafay qaraxyo iyo weeraro ka dhan ah xukuumada Kenya iyadoo qaraxyadaa iyo weeraradaana lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen ururka Alshabaab.

Like it? Share it!