Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka oo Kampala Tababar uga furay Xildhibaanada haweenka ah

by A M | Tuesday, Mar 17, 2015 | 1106 views

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furay tababar la xiriira kordhinta doorka hogaamineed ee Haweenka dhanka siyaasadda Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda tababarkan fududeyneysa ee The Association of European Parliamentarians with Africa (AWEPA)  oo xaruntoodu tahay magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Gudoomiyaha Golaha Haweenka Xildhibaannada Soomaaliya Xildhibaan Biibi Khaliif oo hadal kooban ka jeedisay munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa ugu horeyn uga mahad celisay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay muhiimad u siiyeen fursadaha tababarrada ah ee aqoontooda sare loogu qaadayo guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana dhanka kale ay u mahad celisay hay’adda AWEPA oo tababarkan fududeynaya.

Jeylaani Nuur Iikar oo Munaasabadda ka jeediyey Khudbaddiisa furitaanka ayaa tilmaamay in tababarkan maanta Kampala uga furmay Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya uu qeyb ka yahay tababarro ilaa seddex gaaraya oo ay Xildhibaannada Haweenku ku kala qaadan doonaan Addis Ababa iyo Kigali sababta uu Guddoonka Baarlamaanka ahmiyad u siinayo Haweenkana ay tahay iney yihiin tiir dhexaadka bulshada,tanina ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo ay horey Guddoonku ula saxiixdeen hay’adaha Baarlamaanka taageerra qaarkood.

Tababarkan maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay Haweenka Xildhibaannada ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah tababarro, aqoon kororsiyo iyo kulammo howleedyo ay magaalada Kampala ku yeelanayaan guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya ku qaadanayaan dalka Uganda inta lagu guda jiro fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka.

DSC_4838DSC_4834DSC_4832DSC_4820DSC_4879

Like it? Share it!