Hogaamiyihii Ikhwaanul Muslimiinka Masar oo dil lagu xukumay

by A M | Tuesday, Mar 17, 2015 | 4865 views

Hogaamiyihii Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Masar iyo 13-kale ayaa lagu xukumay dil, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda Masar.

Maxamed Badiic iyo saraakiil ka tirsan Ikhwaanka ayaa lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah dowladda Masar.

Dowladda Masar ayaa horay u mamnuucday Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, iyadoo ku dartay Liiska waxa loogu yeero Argagixisada.

Maxkamad ku taal Masar ayaa sanadkii hore dil ku xukuntay Maxamed Badiic, hase ahaatee waxaa loo bedelay xabsi daa’in.

Laakiin xukunkan cusub ee dilka ah ayaa waxaa loo gudbiyay Muftiga ugu sareeya dalkaas oo go’aan ka soo saari doona, waxaana la filayaa in go’aanka uu soo baxo 11 April.

Milateriga Masar ayaa xukunka ka tuuray Madaxweynihii sida dimoqraadiga loo soo doortay Maxamed Mursi sanadkii 2013, iyadoo xabsiga loo taxaabay.

Like it? Share it!