Ilaa 138 arday oo ka qalin jebisay Machadka Somali Media Academy ee magaalada Muqdisho

by hanad | Thursday, May 22, 2014 | 1657 views

Waxaa Xarunta Somali Media Academy (SOMA) ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd 138 Ardey oo ka qalin jabisey Akadeemiyadaas kuwaas oo bartey Habka loo Qoro ama loo Diyaariyo Wararka Raadiyaha waxaana ka qayb galey Munaasabadaas Masuuliyiin, Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, Ardeydii ka qalin jabisey Akadeemiyadaas iyo Mati Sharaf kale

Ugu Horeyntii waxaa halka Warbixin ka soo jeediyey Aagaasimaha Somali Media Academy Cabdiqaasim Macalin Axmed oo sheegey in Ardeydan ay muddo Shan Bilood ay ay baranayeen qaabka loo Qoro ama loo diyaariyo Wararka Idaacadaha , isagoo sheegey in Sababta ay u Doorteen Habkaas ay tahay markii Akadeemiyada Ogaatey in Baahi wen loo qabo

“Somali Media Academy waxa Goor dhow bilaabeysaa Tababaro ku aadan Dhinaca Saxaafadda si loo helo Suxuf dhinac walab ka dhisan”ayuu yiri Cabadiqaasim Macalin Axmed oo sheegey in Cidii dooneysaa Koorsooyinka ay Akadeemiyada soo dhaweyneyso islamrkaana ay u Fududeyneyso wixii ku aadan Waxbarashadooda.
Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid aha Afhayeenkii Hore Madaxweyne Xasan Shiikh Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oou mahadceliyey intii Aas-aastey Somali Media Academy oo uu sheegey in Akadeemiyadaas ay gacan ka geysanayso sidii Saxaafada Soomaaliyeed ay u noqon lahayd mid Bulshada ku Hogaamisa Dhinaca wanaagsan .

Waxaa kaloo halkaa ka hadley Gudoomiyha Machadka Cilmi Barista iyo Siyaasadda ee Heritage Cabdi Raxmaan Caynte oo Hadaladiisa u Badnaayeen kuwa dardaaran oo uu u jeedinayey Warbaahinta Qaybaheeda kala duwan , isagoo sheegey in Warbaahinta looga baahan yahay in ay Bulshada Kasbadaan si Wararkooda loo dhageysto ama loo Akhristo
Cabdiraxaan Yuusuf Al Cadaala oo ah Agaasimaha Warbaahinta Qaranka oo isna halkaa ka Hadley ayaa ugu Horeyntii u Mahadceliyey intii ka dambeyso Furida Somali Media Academy oo uu sheegey in Wasaaradda Warfaafinta ay Taageereyso Akadeemiyada noocaan oo kale ah ee kor loogu qaadayo Aqoonta Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Xubno ka socdey Jaamacada SIU iyo SIMAD waxayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in Ardey intaa la eg ay ka qalin jabiyaan Somali Media Academy , iyagoo sheegen Barashada aqoonta ay tahay mid ka qayb qaadaneyso Horumarinta Dalka

Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (Nusoj) ayaa Sheegey in Ururkooda uu soo dhaweynayo ardeyda ka qalin jabisey Somali Media Academy islamarkaana waxaa uu u Mahadceliyey Masuuliyiinta Akademiyada ee sida lacag la’aanta ah wax ku barey 138 ardey.

Bashiir Cali Maxamed oo ah Gudoomiyha Koonfurta iyo Bartamaha ee Hayadda Relief oo hadalo Kooban ka jeediyey Munaasbadaas ayaa sheegey in Hayadiisa ay Dhiiragelineyso Akadeemiyada Noocaan ah ee Kor loogu qaadayo Aqoonta Saxaafada Soomaaliyeed , waxaa kale uu sheegey in Hayadiisa ay haatan ka hirgelineyo Muqdisho Xarun lagu tababaro Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Abshir Maxamed Axmed ( Abshir Bukhaari ) oo Shaqsigii Dhibada u taagey Somali Media Academy oo ka Hadley Munaasabadaas ayaa waxaa uu sheegey in Ujeedka ay u fureen Akadeemiyada ay tahay si loo helo Saxafi ka dhameystiran Dhinac walba oo la xiriirta Aqoonta Saxaafada , waxaa kale uu sheegey in Akadeemiyada ay soo dhaweyneyso Saxafi kasta oo doonaya in uu kororsado Aqoontiisa

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Like it? Share it!