In ka badan shan ruux oo ku geeriyooday shil gaari ka dhacay duleedka Muqdisho

by A M | Tuesday, Mar 17, 2015 | 4219 views

In ka badan shan ruux ayaa saaka ku geeriyootay tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu shil gaari ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa ka dambeeyay markii ay isku dhaceen labo gaari oo kala ahaa gaari kuwa dadweynaha ee loo yaqaano Hoomey iyo gaari kuwa xamuulka ee Soomaalida u taqaan N3.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga xamuulka ah uu ku dul fariistay gaariga dadweynaha ay saarnaayeen, waxaana ka dhashay khasaaraha ugu badan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dhimashada ay ka badan tahay shan ruux, iyadoo gaariga laga soo saaray dad meyd ahaa oo lafahooda bur buray, sidoo kale dhaawacyo aad u daran ayaa loola cararay Isbitaalka Madiina.

Shilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waana meel inta badan shilalka ka dhacaan.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Like it? Share it!