Kenya oo xabsiga dhigtay labo dhalinyaro ah lala xiriirinayo Al-shabaab

by master | Wednesday, Jan 11, 2017 | 59 views

January 11 (jowhar)—Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen labo dhalinyaro ah oo lala xiriirnayo inay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo weeraro badan ka geystay dalka Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa saraakiil u hadashay waxay sheegeen in labada dhalinyarada ah lagu qabtay cadeymo ah weeraro ay qorsheeyeen inay ka geystaan dalka Kenya iyo waxyaabaha qarxa.

Booliska ayaa sheegay in labada dhalinyarada ah ay wadeen qorshe ay ku weerarayaan goobaha kaniisadaha ah iyo meelaha dadweynaha ay ku kulmaan.

Dhalinyaro kale oo lala xiriirnayo Al-shabaab ayay sheegeen saraakiisha booliska inay ku raad joogaan kuwaasi oo dhalinyarada la qabtay ka caawin rabay weerarada ay qorsheeyeen.

Weerarkii Westgate oo dhacay 2013-kii iyo weerarkii Jaamacada Gaarisa oo dhacay 2015-kii ayaa waxa ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo fara badan, waxaana Mas’uuliyada weeraradaasi sheegtay Shabaab.

Like it? Share it!