Labo caruur ah oo ku dhaawacantay qarax bambaano xalay ka dhacay Jowhar

by A M | Saturday, May 31, 2014 | 1049 views

Labo caruur ayaa ku dhaawacantay qarax bambaano oo xalay fiidkii ka dhacay xaafada hantiwadaag ee magaalada Jowhar, iyadoo bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa gaari ay la socdeen Ciidamada dowladda.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada booliska ayaa howl galo dad badan lagu qab qabtay ka sameeyay halka lagu weeraray oo aheyd xaafada Siinaay, waxaana saakay su’aalo lagu weydiinayaa saldhiga Booliska.

Labada caruur ee ka dhaawacantay qaraxa ayaa da’dooda u dhaxeysa 8-11 jir, sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.

“Xalay fiidkii waxaa bam gacmeed lagu tuuray baabuur ciidamada dowladda la socdeen, wax gaaray ma lahan, laakiin labo caruur ayaa dhaawacantay”ayuu yiri qof goob jooge ahaa oo la hadlay Jowhar.com.

Qaraxa xalay ka dhacay Jowhar ayaa waxaa uu ku soo aaday, iyadoo habeen ka hor xaafada Hantiwadaag bandow ay saareen ciidamada.

Magaalada Jowhar ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca qaraxyo loo adeegsado bam gacmeedka, waxaana saraakiisha amniga degmada ay sheegaan in qaraxyadaas lagu qal qal gelinayo amaanka.

Like it? Share it!