Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 43aad

Xafladii shaasha saarka ayaa la guda galay iyadoo halkii lagu soo dhaweeyey Canab reerkeeda oo ay hooyadeed horsocotay iyada iyo martadii la socotay lagu sooray.

Kadibna shaashkii dhaqani ahaa ay Canab u saartay hooyadeed halkii loogu alalaasay looguma duceeyey cid kasta ay bixisay hadiyadii ay ugu talagashay Samiira oo aheyd inta goobta ku sugan qoftii hadiyadii ugu qaalisaneyd u xertay saaxiibteed taa oo dad badan ka yaabay.

Markii ay hadiyad ahaan u siisay sad dahab ah mar kaliya ayaa la wada yiri saaxiib sidaan ha kaa ahaato Canab laf ahaanteyda hadiyadaan in loo sitay ma aysan sii ogeyn markii ay saaxiibteed u xertay ayay si farxad ka muuqato inta ay u istaagtay isku duubtay si dareen leh mahadsanid ugu tiri.

 

Markii ay xalada soo gabagabowday isla markaana Canab qolkeeda la geeyey ayay Samiira u gashay oo ay ku tiri.

 

Samiira:

Saxiibay dhamaan alaabta waan soo aruuriyey waxaana geliyey qolka fadhiga furaha sodohdaada ayaan u dhiibay.

 

Canab:

Kaalay maxaad hadiyadaan qaaliga ah isugu dhibtay

 

Samiira:

Walaahi almaas ayaad mudneyd hada dahab oo kaliya ayaan bixiyey ma ogtahay in magaaladaan mudo sedex maalin aan ka goobayo hadiyadii aan kuu keeni lahaa walaahi wax kani ka qaali ayaan waayey mooyee waad istaahishaa saxiibnta kaliya ee aan leeyahay ayaa tahay.

 

Canab oo dareen xoogan laga dareemaol ayaa inta ay soo istaagtay isku duubtay oo ay ku tiri

 

Canab:

Maxaan ku dhahaa hadal mahadcelin oo aad u qalanto ma haayo mahadsanid wax ka weyn ma jiraa oo aan ku dhaho

 

Samiira inta ay labadana dhaban ka dhunkatay ayay tiri

 

Samiira:

Ha ilaawin in saxiibada aysan isu mahad celin oo kaliya laabta is geliyaan

 

Mar kaliya ayay hadana laabta is geliyeen oo in cabaar la wada qoslaayey

 

Canab:

Illaahay ha igu simo farxadaada

 

Samiira:

Inshah Allah maalin qeyr leh illaahay ha na wada waafajiyo oo aan farxadaan oo kale aan qeybsano waana kaa sii tagaa

 

Canab:

Side ila joog  cabaar

 

Samiira:

Maya hooyo Farxiya ayaan ku dhahay I sug waan idiin raacayo waad ogtahay saaka xilli hore ayaan soo baxay

 

Canab:

Waan ogahay Suleymaan iyo aniga ayaa xaafada ku geyn laheyn marka uu yimaado

 

Samiira:

Maya saaxiibey maalin kale ayaan waqti badan wada qaadan doonaa

 

Samiira sidii ayay ku raacday hooyadeed iyo islaamo kale oo xaafada iska soo raacay oo baabuur mini bus ah watay.

 

Habeenkaa Samiira waa ay daalneyd salaadii cishaha kadib waxa ayiska xaadiray sariirteeda oo xataa cashadii habeenkaa diiday daal dartii.

 

Subaxii sidoo kale Samiira xilli hore ma toosin saaka waxaa markii dambe ay ku kacday saaxiibteed Canab oo ka kac ku leh Samiira oo yaaban yaa  toostay oo tiri.

 

Samiira:

Ii sheeg Canab ma riyoonayaa mise waa dhab

 

Canab:

Naa kac maxaa riyo aniga ayaa ku kor taagan ma ogtahay salaadii duhur ayaa la tukanayaa

 

Samiira:

Ma dhici karto ma intaan oo dhan ayaan jiifay waad igu cayaareysaa

 

Canab:

Waa kaa fiiri saacada

 

Samiira:

Alaa naa waa runtaayee sidee ku dhacday in aan dareemin in aan xilli hore kacaa loo baahnaa

 

Canab:

Oo maxaad qaban laheyd

 

Samiira:

Iska daayee waxaan qaban lahaa ee side ku timid maanta shalay ayay todobadaada aheydee

 

Canab:

Naa waa lee soo todobo noqay

 

Samiira:

Ma degdegtaanaa waa side

 

Canab:

Malaha iima xiisin saxiibey

 

Samiira:

Laakiin isla maalinta xigta miyaa la soo celiyaa gabadha walaahi ma fahmin

 

Canab:

Naa waxaas naga daa caawa ma hooyanayo ma og tahay sheeko cajiib ah waan kuu haayaa

 

Samiira:

Walaahi waa ka xumahay

 

Canab:

Side maxaad kaga xun tahay

 

Samiira:

Caawa sanadguurada arooska Hooyo iyo Aabe waaye waana ogtahay in habeenkaas uu Aabe casho banaanka noo kaxeeyo

 

Canab:

Waan ogahay si fiican waan kuu soo laabanaa waan isla joognaa ilaa beri gelinka dambe ayaan baxayaa.

 

Samiira:

Inshah Allah Saxiibey aniga musqul ayaan tagayaa ee ii soo laabo.

 

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com