Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 44aad

Habeenka caawa waxa ay ku began tahay sanadguuradii 26aad ee guurka Hooyo Farxiya iyo Aabe Mumin sida caadada ah ayay qoyskaan jaceylka iyo farxada ku wada nool ay casho ku xusaan sanadguurada guurkooda.

 

Habeenkii sidii ayaa cashada lagu wada aaday oo si farxad lagu soo laabtay Samiira iyo walasheed yar ee caqliga badan sanad kasta waxa ay waalidkood u diyaariyaan hadiyado ay sii qariyaan oo inta badan ay qolka ku sharxaan sanadkaan waxa ay fareem aad u weyn ay ku soo sameeyeen sawirkii ay lamahaan sameeyeen habeenkii arooskooda oo qolkooda jiifka ku dhajiyeen markii cashada laga yimid ayaa in badan la fadhiyey qolka fadhiga oo si wadajir ah loo sheekeeyey.

 

In cabaar ah markii la sheekeyey ayaa habeen wanaagsan la is yiri hooyo Farxiya iyo Aabe mumina qolkooda ku abaareen.

 

Aabe Muumin oo mar walba aaminsanaa in hadiyad la’aan aysan dhigeynin ubadkooda ayaa markii uu qolka galay durbadiiba baadigoobay halka ay dhigeen hadiyadii ay u sii diyaariyeen in cabaar ah ayaa uu ku mashquulay hadana meel kasta oo qolka ayaa uu ka goobay hadana ma helin waxaase markii dambe soo gashay qolka Hooyo Farxiya oo aragta isaga oo armaajada dharkii ku jiray hadba mid furayo ayay ku tiri.

 

Hooyo Farxiya:

Ma fahmin waxa kaa maqan maxaad raadineysaa

 

Prof Mumin:

Waxaan goobayaa hablaheena hadiyadii ay noo soo diyaariyeen habeenkaan caawa ah

 

Hooyo Farxiya inta ay qosohay ayay tiri

 

Hooyo Farxiya:

Hadiyada sanadkaan maba aha mid sidaa u yar waa hadiyad aad u weyn oo cid kasta arki karta maxaa jira Profosore ma kaa dhab in aadan arkeynin

 

Prof Mumin:

Walaahi ma arki karo Macaanto ee meeyey waan u xiisi qabaa hadiyada hablaheena ay noo diyaariyeen

 

Hooyo Farxiyo:

Haye bal fiiri derbiga hortaada ah maxaa lagu xarday

 

Prof Mumin:

Maasha Allah caawa xasuus hore ayay noo saareen

 

Hooyo Farxiya:

Si fiican ma xasuusataa Sawirkaan

 

Prof Mumin:

Si fiican waliba Caasho Keef ayaa naga qaatay waa xilligii aan soo gelynay gurigii aan ku aqalnay

 

Hooyo Mumin:

Waad xasuus fiican tahay

 

Prof Mumin:

Xasuusta jaceylkeena mid qura ma ilaawin macaanto

 

Hooyo Farxiya:

Ilaahay ha igaa daayo Xaajiyow

 

Habeenkaas farxadaas ayaa lagu kala seexday oo midba midka kale uu dib u xasuusinaayey xasuustii hore ee noloshooda kuwoodii ugu dareenka badnaa sidoo kale Samiira iyo Walaasheed Amal laf ahaantooda sheekada waalidkooda ayay habeenkaa wax ka sheekeeyeen oo midba mida kale ay ku dhaheysay waxaan nahay hablo nasiib leh haddii ay hooyo iyo Aabe ay yihiin lamaane weli noloshooda farxad ku wada nool.

 

Samiira maalmahaan xaalkeeda ma wanaagsana waxa kaliya ay ka fikrtana waxa uu noqday ninkii Qadar ahaa.

 

Samiira qalbigeeda marnaba waa ay ilaawi la’dahay hadaladii iyada iyo Qadar dhexmaray hadana waxaad moodaa in ay aad kaga heshay qaabka uu hadlayey wejigiisa ayaa ku noqday sawir si xoogan ugu dhegan qalbigeeda hadana waa ay ku adkeyd in waxa ay dareemeysay inuu jaceyl yahay si ay u kala ogaado ayay u go’aansatay in ay hooyadeed kala hadasho waxaana galabtii dambe dhemartay sheekadaan.

 

Hooyo Farxiya:

Beryahaaan waxabarashada kaama wareysan ka waran

 

Samiira:

Walaahi maama waa iska fiican tahay

 

Hooyo Farxiya:

Ka waran hablahii aad ii laheyd waa reer gobol oo aad u dadaal badnaa miyaadan ka baqeynin in ay kaalinta koowaad kaa galaaan.

 

Samiira:

Walaahi Maama waa joogaan laakiin aniga waxaan ahay qof aan sina isu dhiibi doonin haddii semesterkaan aan kaalinta kowaad ila wadaageen kolay igama qaadi doonaan.

 

Hooyo Farxiya:

Inshah Allah dadaal kuma dhaafi doonaan

 

Samiira:

Maama maanta jaceylka ayaan rabaa in aad wax kaa weydiiyo

 

Hooyo Farxiya:

Haye miyaa lagu weeraray Hooyo

 

Samiira:

Maya hooyo gabar aan saxiibo nahay ayaan la yaab igu noqotay makii ay igu tiri wiil aan maalin qura la kulmay ayaan jaceylkiisa la dhimanayaa waa yaabee ma aragti kaliya ayaa uu jaceylka ku dhashaa.

 

Hooyo Farxiya:

Waxba hala yaabin hooyo waa dhacdaa in aragti qura uu jaceylka ku dhasha maxaa yeelay sifooyinkii ay lamaanaheeda ku xulan laheyd ayay durbadiiba ka aragtay shakina kuma jira inuu jaceyl ay ugu qaadi karto aragti kaliya.

 

Samiira:

Dhabtii waan la yaabay balse haddii aad adigana aad ku raacday waa in aan anigana aan ku taageeraa oo aan ku diidin.

 

Hooyo Farxiya:

Waad diidi kartaa hooyo maxaa yeelay waa aragti waana ay kula qaldami kartaa

 

Samiira:

Hooyo ma ogtahay in aniga aad adiga Qaamuus ii tahay oo aan aragti kasta aad ii ifiso aan durbadiiba qaato.

 

Hooyo Farxiya:

Maasha Allah Maama waan kaa sii tagayaa Aabaha ayaa soo kacay oo aan Shaah u geynayaa

 

Samiira:

Haye Maama

 

Samiira hadalka Hooyadeed dhiiragelin weyn ayaa uu u noqday waxayna nafteed u sheegtay in ay dareen jaceyl u qaaday Qadar oo usbuucyo ka hor ay baratay waxayna nafteeda balan kula gashay in ay si kasta oo ay noqoto in dareenkeeda sheegato.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com