Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 45aad

Samiira waxay markiiba ay la soo baxday telefoonkeeda oo ay fariintii ugu horeysay u dirtay Qadar iyada oo u marisay telefoonkiisa waxayna ku bilaawday sidaan.

 

Waan ku salaamayaa waxaan filayaa in aadan I weydiineynin cida aan ahay si kaasta waan ku salaamayaa waxaana rajeynayaa in aad nabad qabto.

 

Qadar xilligii ay fariintaas u soo dhaceysay waxa uu ku sugnaa maqaayada yar oo laamiga xaafadooda ku taala isaga oo xilligaas soo fadhiistay oo uu ku sugaayey saaxiibkiis Saalaxey fariinta waa uu furay waana uu aqriyey hadana numberka fariinta u soo diray ma aha number ka mid ah kuwa keydka telefoonkiisa ku jira waxna kama soo qaadan fariinta.

 

Samiira wax badan waa naawishay in ay jawaab ay heli doonto hadana ma dhicin ilaa iyo habeenkii iyada telefoonka meel ma kala tagin nasiib darana ma helin jawaab noocee doontaba ha noqotee.

 

Qalbi wax jecel ma quuste waa tii la yiri Samiira maalintii xigtay ayay haddana fariin kale telefoonkiisa ugu dirtay Qadar iyada oo markaan is dareensiineyso cida ay tahay waxay fariinta u qortay sidaan.

 

Qadar waa ku side maxaad salaanta iga ridi la dahay mise ima aqoonsan waa Samiira saxiibkaa Suleymaan xaaskiisa saxiibteed mise sidaan oo dhan ayaa u ilaawsho dhow dahay codkaaga in aan maqlo waan jeclaa hadana ma qiyaasi karo sida ay fursadaada tahay fadlan haddii aad fursad heyso ii sheeg si aan ku soo Waco fadlan fariintaada hala helo Mahadsanid.

 

NIN CAMALKII LAGA WAANIYEY WAA DUDUMO CARRO LAGA MEYRAY mar kale ayaa uu Qadar dhagaha ka fureystay fariintii Samiira isaga oo markaan fahamsan cida fariinta u soo dirtay hadana waa uu u jawaabi waayey Samiira ilaa gelinkii dambe ayay dhowreysay in ay fariintiisa heli doonto hadana marnaba qalbigeed wax eed ah uma heynin Qadar iyada oo is alaheyd waa intaa uu Mashquul yahay.

Samiira miskiin waxba kama aqoon dabeecada Qadar oo aad u neceb hablaha raga afka la galo.

 

Waa maalintii seddexaad hadana fariin qura ma aysan helin Samiira oo aad moodo inuu dulqaadka ka dhmaaday ayaa go’aansaday in ay fariintii ugu dambeysay u qorto waxayna u qortay sidaan.

 

Ma aqaan waxaan ku sifeeyo qadarin xumadaada balse cid kasta oo haan maran gacanta u deyso wax kasta ayay kala kulantaa hadana sidaa ay tahay kaama xumi barasho wanaagsan dabcan aniga ma aanan kaa dooneynin in sacaaga irmaanka aad ii listo micnaha ma aheyn qof sadkaaga u socodo ee dareen xagaaga iga galay ayaa is lahaa waxba ha qarsan ee qiro ileyn waxaad qarsato waa ay ku qarsadaan hadana waxkasta oo aan kaala kulmay waxaan aaminsan nahay in aan kugu bartay nabadey.

 

Samiira iyada oo aan ka shakinin ayay dirtay, Qadar markii ay soo gaartay ayaa waxaa la joogay Saxiibkii Salaxey markii uu aqriyey ayuu yiri.

 

Qadar:

Waa qof cajiib ah dulqaad ay intaan ku qortay ma leedahay anigaaba aqriskeeda ku daalayey.

 

Saalaxey:

waa kuma qoftaas

 

Qadar:

Waa gabar mudooyinkaan fariimaha telefoonka ii soo direysay

 

Saalaxey:

Oo maxay sheegeysaa

 

Qadar:

Gabar maxay kale oo ay sheegi laheyd waa ku jecelahay camal nooo

 

Saalaxey inta uu qoslay ayaa uu ku yiri

 

Saalaxey:

Malaha taa kaama warqabto in jaceylka uusan xagaaga wax jira ka aheyn

 

Qadar:

Laga yaabo

 

Saalaxey:

Laakiin yaa soo siiyey telefoonkaaga

 

Qadar:

Waxba ha isku mashquulin kolay waxba ma dheefin ee waraaqaha canshuurta Dekeda ii keen.

 

Markiiba Saalaxey waa uu baxay oo uu waraaqaha doonay Qadarna marnaba isma tusin in jawaab la’aantiisa ay qalad tahay xataa kuma rabo in ay noqon laheyd inuu gabadha siiyo dow ayay aheyd hadana sidaa umaba fikiro inuu arrinta aamusnaan ku dhameeyo ayaa uu go’aansaday.

 

Samiira halkii ay fariinta Ka soo dirtay ayay fadhisay waana ay hubtay in jawaab aysan heli doonin waxayse isu sheegta in ay mudan tahay in qalbigeeda dareenka lulayo ay xakameyso Jaceylka ay Qadar u qaatay uu halkaas kaga dhamaado yaase garan kara in nafteeda ay qaadan doonto qancintaan aan sababo badan loo heli Karin.

 

Samiira is sabarsiinteeda ayay ku jirtay dhibka ka soo gaaray jaceylkeeda oo aan cidna u sheegin ayay hadana isku dayeysay in ay xamisho guuldaradii ka soo gaartay tallaabtii u horeysay oo ay nolosheeda u qaaday WAA MACAAN AMBA WAA QARAAR KOLBA WAA SIDUU KUU SOO MARO waa tii la yiri maanta Samiira qaraarkiisa ayay  dhadhamineysaa waa dareen jaceylka aan looga arxamin cagu dhib badanaa.

 

Qadar waa nin nolol isaga u gaar ah ku jira abid gabar ma fiirin dareenka jaceylka dhagahiisa waa ay ka oodan yihiin waxaana la xun in gabar ay wiil ku tiraahdo waan ku jeclahay oo uu isaga u arko in dhaqan xumo ay tahay.

 

Waa galab Jimco ah Maanta Samiira waxa casriya ku casuuntay saaxiibteed in cabaar ah ayaa laga sheekeeyey xaalka waxbarashada iyo imtixaanka soo socda Canab oo cabsi badan qabta ayaa tiri.

 

Canab:

Saxiibey abid sidaan Imtixaan uguma welwelin sida sanadkaan aan u cabsi qabo

 

Samiira

Maxaad ka cabsaneysaa

 

Canab:

Waa taan mudo ka maqnaa Jaamacada waxaan is weydiiyaa armaa asxaabtaada ka hartaa sanadkaan.

 

Samiira

Saaxiibey cabsida iska daa sow aniga ma joogi waxba ha ka cabsan dhamaan su’aalaha iyo jawaabaha Maado kasta waan kuu soo diyaariyey dhib la’aan adiga aqri oo kaliya.

 

Canab markii ay hadalkaa maqashay ayay saaxiibteed inta ay ku booday ku tiri

 

Canab:

Alla maxaad garab ii tahay macaanto

 

Samiira

Hadaan adiga ku saacidin yaan saacidayaa qofna welwel la’aan reerkaaga dhaqo

Samiira markiiba waxa ay saaxiibteed u dhiibtay waraaqihii ay ugu soo qortay dhamaan su’aalaha iyo jawaabaha ay is laheyd waa ay saacidi karaan halkiina ayay wax badan ugu aqrisay oo arrimo badan oo ka maqnaa ugu sharaxday aad ayayna ugu faraxday Cana boo wax badan u mahadcelisay saaxiibted.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com