Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 46aad

Samiira oo markaan xoogaa fikir ah gashay ayaa Cana boo in mudo ah fiirineysay ku tiri.

 Canab:

Saxiibey wax badan ayaa qalbigeyga ka guuxayo aan ku weydiiyaa  waxaan kaa dareemayaa daal iyo fikir badan maxaa sidaan oo dhan kuu qayiray kolay waan dareemayaa imtixaanka maaha ileyn qof is hubto oo dadaal badan ayaa tahayee.

 

Samiira

Waa runtaa oo imtixaan kama welwelo balse ma is tiri saaxiibtaa markaan waa la galay oo kii jaceyl ahaa ayaa saldhigtay.

 

Canab:

Midi waan kugu diiday saxiibey jaceyl ayaa loo basbasayaa oo sidaan oo dhan looga qayirmaa waxaan ogahay inuu yahay raxmad qofta ku soo korodha oo dareen aan cidna tilmaami Karin  leh marka taa waan kaa diiday.

 

Samiira

Waa runtaa maxaa yeelay adiga kaaga waxa uu ahaa midka dareenka macaan soo kordhiya ileyn dumaashigey aragtida ugu horeysa ayaa uu kaaga helay adna markiiba waad aqbashaybalse kayga sidaa maaha.

 

Canab:

Saxiibey qalbiga ayaad ka hadleysaa ii sheeg yuu yahay cida aad jeclaaday hadana aadan guul ka heyn yuu yahay doqonkaan in aad dheyman tahay ku moog dhabtii aniga ma jecli dhibkaaga.

 

Samiira inta ay qososhay ayay tiri

 

Samiira

Saaxiibtaa adiga lee dheyman kula tahay qof ayaan ka helay waana ku dhiiratay in aan u sheegto hadana ma aanan jawaab igu haboon balse dhib malaha nolosha ayaa sidaan ah Guul iyo guuldaro.

 

Canab:

Sidaa ha dhihin aniga waan ku aqaan guuldarada ma jeclid mana xamali kartid waa ku baryaa waxba ha is raacin aniga qaali ayaa igu tahay mana xamili karo in dhib ku gaaro.

 

Samiira

Waxaan hubaa in aan ka gudbi dono ileyn qadarta Alle waan aaminsan nahay maxaa kale

 

Canab:

Sax wax walba waa qadar alle balse ii sheeg yuu yahay doqonkaas

 

Samiira

Laakiin waad xanaaqsan tahay is deji horta kuna xisaantan in noloshiisa ay cid kale ku jirtay.

 

Canab:

Taa ma diidani balse darajo xumada ayaan diidan nahay

 

Samiira

Sax si kasta waan ka gudbay nolosha waan ku bartay

 

Canab:

Waa ku baryaa ii sheeg kaa dadka in aan ka aqoonsado ayaan rabaa

 

Samiira

Laakiin balan ii qaad in aadan waxba oran doonin marka aad aragto

 

Canab:

Micnaha waa qof aan aqaan sax

 

Samiira

Haa saxiibey waxba ha oran aniga daciif ha iga dhigin waan hubaa waan ka gudbayaa waan hubaa in aan si sahlan ku ilaawi doonin laakiin waa arrin qasab ah in aan ilaawo hana iga welwelin waad ogtahay in aan ahay qof adag.

 

Canab:

Inshah Allah waan rajeynayaa in aad ka gudubto balse ii sheeg waa kuma doqonkaas.

 

Samiira

Horta caayda jooji waa ku sidee ma iska caayneysaa qofka.

 

Canab:

Kaasi waa istaalihaa ee magaciisa ii sheeg

 

Samiira

Waa Qadar ninkaaga saaxiibkiis rumaad

 

Canab oo markii hore fadhisay ayaa istaagtay oo afka gacanta saartay kuna tiri.

 

Canab:

Ma Qadarkaan aan aqaano mise Qadar kale ayaad ka hadleysaa.

 

Samiira

Haa waa isaga maxaad ula yaabtay

 

Canab:

Saxiibey malaha adigaaba qaldaneyd kaalay ma kan ayaa jirto wax lagu jeclaado midkaan nolosha ka dhaga la’ ah muxuu jaceyl iyo dareenkiisa ka fahmayaa waa ku sidee saxiibey side qalbigaaga kan dareen ugu qaaday waan hubaa taasi qalad ayay aheyd.

 

Samiira

Aniga waxqalad ah ima muuqato.

 

Canab:

Malaha nooc jaceyl oo cusub oo iminka soo kordhay ayaa ku haaya

 

Samiira

Laga yaabo saaxiib balse mid ayaan kuu sheegayaa waliba aan kaa codsanayaa in arrinkaan Suleymaan aadan kala hadlin xataa Qadar laf ahaantiisa waxba ha ka weydiin ma fahmtay.

 

Canab:

Saaxiib sidaad jeceshahay

 

Samiira

Waxaan rajeynayaa in aadan marnaba ku dhiirin in aad cid kalana arrinkayga kala hadasho

 

Canab:

Waxba ha ka cabsan waan ku ogahay in aadan jecleyn in arrimaha la falanqeeyo

 

Samiira

Waan ogahay in dhibkayga uu ku dhibayo si kasta saaxiibtaa ku kalsoonoow waan hubaa waan ka bixi doonaa.

 

Canab:

Inshah Allah

 

Samiira

Waan kaa sii tagayaa guriga Hooyo Batuulo ayaan tagayaa oo aan mudooyinkaan u tagin.

 

Canab:

Haye saxiibey waan is maqleynaa

 

Samiira sidii ayay ku aaday xaafadii laga dhalay ee Hooyadeed rumaad iyo aabihii dhalay ay ku noolaayeen walow Samiira haddii dhalashada la badali karo waa ay jeclaan laheyd in Prof Muumin iyo Hooyo Farxiya ay ahaadaan waalidkeeda dhabta balse dhalasho ayaan la badali Karin.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com