Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 47aad

Samiira waxa ay ku hormartay dumaashideed Falis oo uu qabay dadii iyada ka weyneyd ee Yaasiin oo meel aan sidaa ka fogeyn xaafadii hooyadeed deganeyd markii ay guriga gashay ayay durnadiiba isha isku qabteen Falis oo markii ay aragtay Samiira soo istaagtay oo tiri.

 

Falis:

Maanta Drs reer Cali Kaar ayaa soo luntay haye maxaan qalaa maanta

 

Samiira:

Eedo ceebowday ayaan ahay ma aqaan waxa maanta wejigayga furayo ee aan dhiibayo

 

Falis:

Sidaa ha dhihin dumaashi ee hore u soo gal

 

Samiira:

Ii waran Falisey aniga waa idiin soo noqon waayey xaalkiina reerka mala qabsatay

 

Falis:

Maasha Allah waan kuu fiicanaa reerka waan la qabsaday sow Marwo uma eki

 

Samiira inta ay qososhay ayay tiri

 

Samiira:

Waa ay kaa muuqataa walaahi waan kugu farxay walaalkay noloshiisa waa badashay waa kan maanta inuu shaqeysto ku fikiray.

 

Falis:

Sax Aabe Cali illaahay cimrikiisa ha raajiyo waa kan maalgalintaas wanaagsan u sameeyey

 

Samiira:

Waan maqlay in dukaan weyn oo Cosmiticks loo furay halkee looga furay

 

Falis:

Suuqa Bakaaraha ayaa looga furay waxaan rajeynayaa in isagana uu kaalintiisa ka soo bixi doono

 

Samiira:

Insaha Allah sidaas ayaan rajeynayaa goormuu yimaadaa

 

Falis:

Saacad kadib waa uu imaanayaa Eedo Farxiya ka waran iyo Amal Yarey

 

Samiira:

Walaahi waa ay fiican yihiin aniga xilli hore ayaan xaafada ka imid oo gabar aan saxiibo nahay oo bishii hore la soo guursaday ayaan Maanta waqtiga la qaadanaayey oo aan la qadeeyey oo Xaafada Nasteexo ayaan idiinka soo galay.

 

Falis:

Xaafada Nasteexo miyaa tiri waa xaafadeydee

 

Samiira:

Haddii ay sidaa tahay malaha caruuskana waad fahmi kartaa

 

Falis:

Waa xaafad aan aad dhalinteed sal iyo baar u aqaan ii sheeg magacii wiilka

 

Samiira:

Suleymaan ayaa la yiraahdaa Bankiga Dhexe ayaa uu ka shaqeeyaa

 

Falis:

Wiilka madow oo baabuurka Karibta Cad wata sow maaha Maasha Allah Suleymaan ma guursaday

 

Samiira:

Walaahi durbadiiba waad soo qabatay

 

Falis:

Sowtu ku dhahay waa xaafad aan si wanaagsan u aqaan walaalkay Qadar ayay saxiibo rumaad yihiin

 

Samiira:

Qadar aa ma Qadar ayaad walaalo tihiin

 

Falis:

Haa

 

Samiira:

Walaalo isku hooyo iyo Aabo ahaa

 

Falis:

Waliba waa isaga dhow nahay micnaha Mataano ayaan nahay

 

Samiira:

Adiga iyo Qadar ayaa mataano ah waa waxaan aamini Karin

 

Falis:

Isma shabahna sow maa

 

Samiira:

Xataa dabeecada

 

Falis:

Haa qadar waa nin ad adag waanba la yaaban nahay arooska inuu ka qeybgalay oo aad is barateen.

 

Samiira Aamusnaan ayaa ka soo hartay dhinac warka waa ay u wadi kari weyday in cabaar markii ay aamusneyd ayay tiri.

 

Samiira:

Wallaahi waan aamini la ahay

 

Falis:

Sawirkiisa ayaan haayaa oo aan ku tusinayaa

 

Falis markiiba telefoonkeeda ayay ka soo saartay Sawir Qadar oo Xaafada Joogo Samiira markii la tusiyey ayay madax ruxday oo ay tiri.

 

Samiira:

Waa kan Qadarkaan bartay ee madaxa adkaa jaceylna ma aaminsani I yiri

 

Falis:

Waa wiil madax adag aaminsanaan oo kaliya maahee xataa waxaan dhihi karaa waa u cadow jaceylka  .

 

Falis markiiba banaanka ayaa looga yeeray Samiira si cajiib leh ayay u fiirineysay sawirka iyada oo waliba telefoonkeeda ku tuuratay ayay qalbiga iska tiri Qadarow reer walaashaa qabaan maxaad ku dideysaa in adna aad gabar ka guursado kolay ii jawaabi weyday anigana samirka ayaa dugaanshan doonaa”.

 

Samiira iyada oo weli sidii u fadhisa ayaa cabitaan loo keenay markii ay cabtaya ayay dumaashodeed ku tiri

 

Samiira:

Haye aniga hooyo iyo caruurtii kala ayaan u tagayaa waa idiin soo marayaa Yaasiin in aan u hambalyeeyo ayaan rabaa.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com