Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 48aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Sidii ayaa ay ku baxday Samiira oo xaaafadii hooyadeed Batuulo aaday waxa ay in cabaar ah la qaadatay ayeeyadeed Nuura oo ay la sheekeysay.

Markii ay xagaa ka soo dhamaaday ayay soo aaday xaafadii Yaasiin nasiib wanaag ilinka guriga ayay kula kulantay isaga oo markaa ka yimid shaqada oo uu keenay saaxiibkii Nuuradiin oo baabuur watay Yaasiin markii u arkay Samiira oo soo socota ayaa uu saaxiibkiis ku yiri.

 

Yaasiin:

Nuuradiinow gabadhaas soo socoto waa walaashey iga yar xamar ayay ila joogtaa hadana sanadkii mar qura ayaan arkaa ka waran.

 

Samiira oo warka oo dhan maqleysay ayaa tiri

 

Samiira:

Aboowe markaan kuu hambalyeeyo kadib maxkamada I saar walaahi waan kugu farxay markii la ii sheegay in masuuliyad aad isa saartay.

 

Yaasiin:

I waran walaashey ma ii fiican tahay

 

Samiira:

Alxamdullaahi aboowe xaalkaaga ka waran

 

Yaasiin:

Maasha Allah markaan fadhiga waan ka kacay

 

Samiira:

Sidaas ayaa loo baahan yahay inshsha Allah qeyr badan ayaan kuu rajeeyey waad guuleysaneysaa

 

Yaasiin:

hooyo xageeda ayaad ka timid miyaa, aaway sow baabuur kuma keenin

 

Samiira:

Maya baabuurka ima keenin dhib malaha halkaan ayaan Bajaaj ka qabsanyaa

 

Yaasiin:

Maya saacadaan Bajaaj raaci meysidee Aaway Nuuradiin Samiira ayaa xaafada la geynayaa

 

Nuuradiin:

Haye saaxiib diyaar

 

Samiira markii gurigii Falis ayay gashay oo ay soo macasalaameysay halkii ku soo raacday walaalkeed Yaasiin iyo Saaxiibkii Nuuradiin oo ilaa xaafada laga tago sheeko hadba dhinac la wada gurayey sidii lagu geeyey Samiira Xaafada Yaasiin waa uu ka cudur daartay in uu gudaha u soo galo maadaama uu daalan yahay Samiira kuma qasban sidiina lagu kala tagay.

 

Yaasiin iyo saaxiibkii maarkii ay soo laabteen ayaa uu Nuuradiin ku yiri Saaxiibkii Yaasiin

 

Nuuradiin:

Saaxiiboow gabadha guirga geey waad I dhih kartay sowtu daal aad sheeganeysidee mise gabadha iguma aamini karin.

 

Yaasiin:

Ma waxaas ayaad sawiratay aniga ayaa rabay in aan wadada ku sii wada hadalno maadaama aan mudo is arag Samiirana qof adag waaye raga kanaan wax baran xageeda waxba kama aha. 

 

Nuuradiin:

Waxaan is iri armuu kugu kalsooneyn

 

Yaasiin:

Maya saaxiibow qof dhowrsan in aad tahay waan hubaa haddii Samiira uu damac kaa galayna gayaankeeda in aad tahay ma diidani.

 

Nuuradiin:

Waad mahadsan tahay Saaxiib tashuush aan jirin ayaa isa suray iga raali noqo

 

Yaasiin:

Ka soco waxba maaha

 

Samiira markii ay guriga soo gashay oo ay soo qubeystay ayay keligeed tacajab iyo fikir gashay iyada weliba daawaneyso sawirkii Qadar waxayna tani ku keentay in ay wax badan ka fikirto oo ay is weydiiso xataa in Qadar uu wax ka ogyahay dhalashada iyada iyo Yaasiin sidaa uu ku diiday xariirkeeda balse waxaa jirta in Qadar uusan wax war ah uusan ka heyn waa yaabee aqristoo ma is weydiisay Qadar haddii uu arrinkaan ka warheyn lahaa waxa uu ku fikiri lahaa, Yaa garan kara aqriste ma is tiri aarsasho ayuu xiriirka Samiira u aqbali lahaa mase is tiri dareenka Samiira  waa uu sii jiri kara .

Haddii Qadar qabarba u heyn in Samiira ay tahay walaasha ka yar Yaasiinka uu mudaba ceyrsanaayey oo uu ilaa maanta uu naceybka u qabo dardiis Falis reerka kaga jaray.

 

Haddii Falis ay ku jirto reyn reyn isla markaana ay reerkeeda u dhaqneysoi si farxadi ku jirto waxa ay farxada laga dareemeynin Yaasmiin iyo Mursal oo u muuqda kuwa guurka kulmiyey oo kaliya oo aan hore isu aqoon Mursal waxaad mooday in Ixtiraam oo kaliya u haayey Yaasmiin isla markaana jaceyl aan u qabin xataa haddii ay nolosha wadaageen.

 

Mursal joogsitiisa guriga ayaa aad u yarayd isaga iyo xaaskiisa sheekadooda ma badneyd cid kasta oo maalmo la joogto waa aya fahmi kartay balse nasiib wanaag cidi lama deganeyn.

Yaasmiin iyada labo arrin ayay ku sifeyn jirtay aamusnaanta Mursal iyada oo u aragta inuu yahay shaqsi xishood badan iyo in gabar kale uu jecel yahay.

 

Yaasmiin waxay si buuxda u xasuusneyd in guurkooda uu ku yimid si is furasho oo uu iyada sharafka ay reerka ku leedahay ku wanaajinaayey balse waxaa mar kasta Mursal Canaan iyo talo siin la garab taagnaa saaxiibkii Adam oo ay meel ka wada shaqeynayeen.

 

Xilli subax ah Mursal gurigiisa ayaa uu ka soobaxay waxa una watay baabuurkiisa cusub oo uu arooska kadib iibsaday markii uu shaqada yimid ayaa sida cadada aheyd in cabaar ah fikir la yuuraray kursigiisa waxaa u soo galay saaxiibkii oo ku yiri.

 

Adam:

Haye Mursal saakana maxaa cusub mise waa subaxyadaadii fikirka iyo xusida jaceylkaagii qabyoobay.

 

Mursal:

Waan kula yaabay saxiiboow kaalay in ad igu maadsado miyaan igu soo gashaa

 

Adam:

I maqal aniga saaxiibkaa ayaan ahay dhibkaagana waa uu I dhibayaa runtii gabar wanaagsan ayaa xaas kuu noqotay waan ogahay in jaceyl aadan ku guursan qalbigana mar kasta ku haay in jaceylka Falis uusan kuu banaaneyn labo jeer ayaa uu qalad kugu yahay in aad ku sii fikirto mar waa naag nin qabo marnaba waa xaaskaaga walaasheed.

 

Mursal:

Waxaas oo dhan waan oigahay maxaan yeelaa nafteyda ayaan xukumi la ahay

 

Adam:

Waa qasab in aad naftaada xukunto oo aad runta u sheegtaa sidoo kalana ay aqbashaa Falis waa gabar aan marnaba kuu banaaneyn maxaa yeelay xaaskaaga ayay la dhalatay meherka Yaasmiin laguu mehriyeyna waxa uu kaa xarameyey Falis ilaa inta ay Yaasmiin nooshahay.

 

Mursala inta uu istaagay ayuu dariishada xageed tagay oo uu yiri

 

Mursal:

Wax kasta oo aad sheegeysid waan oagahay laakiin sideen ku ilaawaa.

 

Adam:

Taasi waa mid sahlan kaliya xaaskaaga qalbigaaga u fur waan hubaa waa ay ku kasban doontaa inta aad gurigaaga sidii nin Ijaar inuu qol kaga degan yahay oo kale aad u galaysid xaaskaaga sidii in aad deris tihiin u aragtid walaahi aadan dhibkaan ka bixi doonin ogowna in aad danuub weyn galeysid oo aad Yaasmiin ka galeyso waan ogahay waa ay af gaaban tahay kulama hadleyso yaa caawa ka wareysta wax walba waa ay kaa dareensan tahay ee saxiibow is barqabo oo naftaada riyada ka saar.

 

 

Mursal:

Saaxiiboow I aamin mar kasta waan jeclahay in aan ka baxo nolosha dhalanteedka ah balse hadana in aan ka bixi Karin ayaan isu sheegaa.

 

Adam:

I maqal adiga isku sheeg in aadan Falis jecleyn oo aad xaskaaga jeceshahay maanta ayaa ugu soo horeysa xaafada markaad tagto xaaskaaga u sheekee oo noloshaada iyo reerkaaga iyo hamigaaga nolosha ugu sheekee waan hubaa in sheekadaas ay wax badan soo kordhin doonto isla markaana isfaham buuxa uu imaan doonto.

 

Mursal:

Haye saxiibow waa dadaalaa inshah Allah illaahay abshirta ha I waafajiyo.

 

Adam:

Inshah Allah waad guuleysaneysaa.

 

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com