Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 49aad

Canab waa ay ku adkeyd in ay ka aamusto arrinta saaxiibteed Samiira walow ay ka balanqaaday inaysan cidna kala hadlin iyada oo waliba looga digay in ay Qadar kala hadasho.

Caawaba waxay fursad ku heshay Qadar oo xilligaa gurigooda yimid oo Sleymaan soo raadiyey markiiba qolka fadhiga ayay u gudbisay oo ay cabitaan u keentay xisaabo xagga ganacsiga Qadar ayaa in muda ah laga hadlay markii uu damcay inuu baxo ayuu Canab ku yiri.

 

Qadar:

Waan sii baxay Dumaashi habeen wanaagsan

 

Canab:

Wanaagsan Dumaashi balse waan kaa xanaaqsan nahay

 

Qadar:

Sidee Dumaashi

 

Canab:

Arrinta saaxiibtey Samiira ayaan kaaga xanaaqsan nahay iyo sida karaamo la’aanta ah ee aad ula dhaqantay.

 

Qadar oo aad u yaxyaxay ayaa yiri

 

Qadar:

Waan ogahay Dumaashi in aamusnaanteyda ay qalad tahay laakiin ma is weydiisay mashquulka I haayey iyo dhibaatada ka jirtay ganacsigeena weydii Suleymaan isaga ayaa beryahaan nagu saaciday si xisaabaha loo saxo ee arrin kale ma jirin canabey.

 

Canab:

Taa qiil ma kuu noqoneyso waxaa kugu filnaa hal daqiiqo oo waqtigaaga oo xataa ku tiraahdo mashquul ayaan ahay aniga ayaa ku soo wacayo.

 

Qadar:

Si kasta Dumaashiyey qaladkayga waa qaatay

 

Canab:

Laakiin intaa kuguma filna dhaawaca aad u geysataya qalbigeeda ma dareemi kartaa ma ogtahay Samiira qofkii ugu horeyey nolosheeda oo ay dareen u qaaday ayaa aheyd adigana waad niyad jebisay Qadar aadanaha qalbi ayuu leeyahay oo uu wax ku dareemo adigey dareen dhab ah kuu qaaday taa miyey ku qaldaneyd.

 

Qadar:

Maya Dumaashiyee waana balan in aad qaladkayga aan saxaa walaahi weydii Suleymaan mashquulka ayaa badnaa

 

Canab:

Haye ii sheeg side ku xalineysaa

 

Suleymaan oo sheekada oo dhan la socday ayaa soo booday oo yiri

 

Suleymaan:

Taasi maa dhib leh hadda ayuu wacayaa oo waliba ka raali gelinayaa haye Qadar sidaa sow maaha

 

Qadar:

Haye Dumaashi sow kuma qanacsanid taa

 

Canab:

Taas xilligeeda waa la soo dhaafay

 

Suleymaan:

Bal adiga xukun macaanto muxuu yeelaa si saaxiibkey qaladkiisa uu saxo

 

Canab:

Qadar I maqal saaxiibtey waa qof fiican waliba qoys fiican oo sharaf leh ka dhalatay ma aaminsani nin diidayo inuu nolol la wadagto uu aduunyada joogo waa qof ixtiraam iyo dulqaad leh waa aqoonyahan marka aniga waxaan ku oran lahaa xaafadeeda ku booqo oo ka raali geli aniga marnaba kuguma qasbayo in aad jeclaato oo xiriirka la dhaqaajiso waa dhici kartaa in sida aad u cajabisay aysan kuu cajibininy balse ixtiraamla haka tagin Dumaashi.

 

Qadar:

Haddiiba aad sidaa leedehay waan yeelayaa waxaana u tagayaa habeen dambe balse hal shuruud ayaan wataa

 

Canab:

Soo daa

 

Qadar:

Uma sheegeysid in aan u tagayo iyo xataa in wadahadalkaan uu na dhexmaray ha u aragto in aniga isa soo saxay ma fahamtay

 

Canab:

Maasha Allah waa kedis aad u macaan

 

Qadar:

Xaafada ii tilmaam oo kaliya bacdal maqrib ayaan u tagaya inshaha Allah

 

Qadar sidii ayaa looga tilmaamay kuna soo baxay isaga oo neefta isku celinaya ayuu wadada iska soo raaceen Saalaxey oo uu markuu arkay uu ku yiri.

 

Qadar:

Saxiibow xaaska Suleymaan maxaa war hee neeftey igu celisay

 

Saalaxey:

Maxaa isu kaaya keenaya

 

Qadar:

Arrintii Samiira ayay igala hadashay

 

Saalaxey:

Samiira waa tuma hee sheekada maba la haayee

 

Qadar:

Waa gabartii fariimaha ii soo direysid sow saaxiibteed maaha

 

Saalaxey:

Haa iminkaan fahmay ileyn telefoonka iyada soo siisay ma ariooslka ayay kugu aragtay

 

Qadar:

Samiira waa gabahddhii aan maalintii arooska Suleymaan aan baabuurka ku soo qaaday oo alaabta siday ma fahamtay

 

Saalaxey:

Iminkaan gartay haye maxay ku leedahay hadda dumaashidaa

 

Qadar:

In aan u tagayo ayaan soo balanqaaday waliba habeen dambe iyo gurigeeda

 

Saalaxey:

Saaxiibow ma hubtaa in aad tageyso mise waad ku soo baxsaneysid

 

Qadar:

Waan yeelayaa laakiin ma aqaan wixii ku xigi doono ileyn nolosha ay sawiratay aniga kuma jiro

 

Saalaxey:

Taa waan ogahay laakiin u tagista ayaa xoogaa shaki gelinayaa

 

Qadar:

Dhib malaha waan u tagayaa daarada gurigooda ayaan la fadhiisan doonaa waana a raali gelin doonaa kadib in aan xiriirkaan la sii wadi doonin waan u sheegi doonaa.

 

Saalaxey:

Maxaa diiday in aad fursad siiso intaa aad ka heshaa

 

Qadar:

Waad ogatahay in aan noloshaas diyaar u aheyn iga daa waan sii hoyanaa aad ayaan maanta u daalan nahay beri arrimaha dekada adiga ayaan kugu ogahay.

 

Saalaxey beryahan saxiibkii ayuu la shaqeeyaa walow uusan weli noqon shaqaalaha joogtada xafiiska ugu shaqeeya hadana badeecada Dekada ka soo degta ayaa uu kala shaqeeyaa soo canshuuristeeda iyo soo daabulkaba Qadar dhowr jeer ayaa uu aabihii kala hadlay in la shaqeeleeyo balse weli ogolaansho uma helin.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com