Habraaca amniga doorashada oo la soo saaray

May 09 (Jowhar.com)–Guddiga isku dhafaka ah ee doorashada ayaa soo saaray habraaca loo marayo sugida amniga doorashada madaxtinimo oo 15-ka bishan oo ku beegan maalinimada Axada ah ee todobaadka danbe ka dhaceyso teendhada AFisyooni oo ku taala xerada ciidamada Cirka.

War-Murtiyeed ka kooban saddex qodob oo ay soo saareen ayey ku sheegeen in ciidamada ATMIS ay sugayaan amniga doorahsada, iyadoo ssi aad ah loo adkeeyay amniga goobta ay ka dhaceyso codeynta.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo uu hoolka doorashada la tagi karo oo kaliya saddex qof oo laba ay yihiin ilaaladiisa iyo qof codadka u tiraya, halka madaxweynayaashii 7-aad iyo 8-aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed loo fasaxay iney hoolka la galaan mid laba qof, waxaana musharixiinta kale loo ogolaaday iney hoolka la galaan oo kaliya hal qof.

Musharixiinta iyo xildhibaanada ayaa loo sheegay iney albaabka Madina Gate isaga soo tagaan ilaalada iyo agwaarida ay wataan, waxaana hoolka doorashada geyn doona gawaari loo sii diyaariyay, iyadoo suxufiyiinta loo diiday iney galaan hoolka doorashada, waxaana loo diyaariyay hool gaar ah oo ay ku yaalaan shaashado ay codeynta kala soconayaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More