Heshiis hordhac ah oo laga gaaray beelo ku dagaalamay Beledweyne

Waxaa Maanta heshiis hordhac ah laga gaaray dagaaladii u dhexeeyay maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay deegaano hoostega magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadaalo ay sameeyeen mas’uulyiin ka kala socota dowlad goboleedka Hirshabelle iyo dowlada federalka ayaa ugu dambeyntii lagu gaaray heshiis xabad joojin ah iyo in ciidamada la kala qaado.

Qoddobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in deegaankii sida gaarka ah la isugu haayay aan cid dhisan karin ilaa iyo heshiiska laga dhameystirayo.

Sidoo kale heshiiska ayaa waxaa ku jira in qofkii hubeysan ee lagu arko deegaanadii lagu dagaalamay oo aan ka tirsaneyn Ciidanka dowladda lasoo qaban doono, isla markaana la xiri doono 6 bil oo xabsi ah.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeed laga soo saaray heshiiska labada beel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More