Mareykanka oo hakiyay Howlihii Qunsiyaladiisa ee Riyadh, kana digay weeraro ka dhaca Sacuudiga

by A M | Sunday, Mar 15, 2015 | 2718 views

Mareykanka ayaa ka digay weeraro ka dhaca Sacuudiga, iyadoo uu hakiyay howlihii Adeegyada Qunsuliyadeed ee magaalooyinka Riyadh, Jeddah iyo Dhahran.

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dhamaan howlaha adeegyada qunsuliyadeed la joojiyay 15-16 bishan march, xaalad ammaan awgeed.

Sidoo kale Safaaradda ayaa ugu baaqday dhamaan muwaadiniinta Mareykanka inay yareeyaan dhaq dhaqaaqooda iyo socodkooda gudaha Sacuudiga, ayna sameeyaan feejignaan dheeri ah.

Waxaa si gaar ah loogaga digay inay tagaan meelaha dadka ku badan yihiin, sidoo kale waxaa la faray inay sii calaamadeystaan meelaha ay Sacuudiga kaga bixi lahaayeen, hadii ay wax dhacaan.

Warbixinta Safaaradda ayaa sheegaya inay dhici karto weeraro lala beegsan karo shaqaalaha reer Galbeedka ee ka shaqeeya Gobolka Bari ee shidaalka qaniga ku ah.

Bishii October ee sanadkii hore ayay aheyd markii nin heysta dhalashooyinka Sacuudiga iyo Mareykanka uu dilay shaqaale mareykan ah, isagoo dhaawacay mid kale, markii ninkaas oo qandaraas ka heystay Wasaaradda Difaaca laga joojiyay, kadib caro darteedna u sameeyay falkaas.

Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa saaxibo dhow ah, wuxuuna Sacuudigu qeyb ka yahay isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka ee dagaalka kula jira Daacish.

Like it? Share it!