Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Mareykanka ee xayiraada looga qaaday Zakariye Ismaaciil

by A M | Sunday, Mar 8, 2015 | 6380 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhoweyneysa go’aanka dowladda Mareykanka ay liiska dadka madaxooda lacagaha abaal marinta dul dhigtey uga qaaddey Zakariya Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaano Zaki, kaas oo ka mid ah xubnaha ka soo goostey Al Shabaab ee la shaqeynaya dowladda.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysey wadaxaajood dhex marey dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo xaqiijiyo looguna abaalmariyo Zakariya Ismaaciil go’aanka uu qaatey ee uu kaga haray xoog wax ku raadinta, diidista fikradaha kooxda Al-Shabab, iyo isagoo si rasmi ugu biirey hanaanka nabadda, kuwaas oo ah shuruudaha ugu muhiimsan ee laga doonayo inay fuliyaan shakhsiyaadka ka soo goosanaya Al Shabab. Zakariya Ismaaciil waxaa uu si aan leexleexad lahayn bulshada Soomaaliyeed ugu muujiyey inuu shuruudahaasi buuxiyey, isagoo dhowr jeerna la hadley saxaafadda.

War saxaafadeed ka soo baxay Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u mahadcelineyso dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee saaxibada la ah dhanka iskaashiga dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab iyo dib u dhiska Soomaaliya.

“Waxaa ay dowladda mar kale fariin u direysaa kuwa weli ku dhex xaniban ururka Al Shabaab ha noqdeen hoggaamiyeyaal ama dagaalyannada caadiga ah in haddii ay doonayaan inay isaga haraan dagaalka iyo xoog wax ku raadinta, isla markaana ay si cad u diidaan fikirka qalaad ee Al Shabaab, in markaasi la siin doono fursad ay qeyb uga noqdaan dib u dhiska Soomaaliya”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ahaa Madaxii hore ee Sirdoonka Al-Shabaab

Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ahaa Madaxii hore ee Sirdoonka Al-Shabaab

Dhanka kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda ay balan qaadeyso inay taageero u fidin doonto hoggaamiyeyaasha ama maleeshiyaadka Al-Shabaab ee soo goosta si ay dib ugu soo biiraan shacabka, iyadoo isla markaana ay dowladdu iyadoo ka wakiil ah ay u ololeyn doonto in laga saaro liiska argagixisada caalamka ama kan Soomaaliya, sida haatanba ay ugu ololeysey Zakariya iyo Sheekh Atam. Dowladda waxay kaloo fareysaa xubnahaasi Al Shabaab ka tirsan ee doonaya inay soo goostaan in dowladda ay mar walba diyaar u tahay, go’aankooda la dhegeysan doono, la soo dhoweyn doono, taageerana loo fidin doono.

Mareykanka ayaa sanadkii 2012 waxaa uu malaayiin doollar madaxooda dul dhigay ilaa shan hogaamiyeyaal ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaa ku jiray Hogaamiyihii la dilay Al-Shabaab Axmed Godane oo ilaa 7-milyan doolar madaxiisa la saaray, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shan milyan doolar la dul dhigay madaxiisa, Fu’aad Shongole, iyo Zakariye Ismaaciil Xirsi oo Shabaabka u qaabilsanaa Sirdoonka, kaasoo dhamaadkii sanadkii hore isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!