Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo kulmay

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka iyagoo ka wadahadlay arrimihii ugu dambeeyay ee khilaafka doorashooyinka dalka.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa u sheegay wakiilada Beesha Caalamka in aanay ogeyn shir fashilmay, iyagoo meesha ka saaray wararka sheegaya shuruudaha cusub ee dowladdu sheegtay inay shirka ku xireen.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale u sheegay wakiilada beesha caalamka inay wali taagan yihiin aragtidoodi hore ee shirka bilowgiisa, waxaana ay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen inuusan doorasho rabin, oo uu doonayo inuu dalka geliyo qalalaase.

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sheegay inay dhinaca kale ee dowladda Federaalka la kulmayaan, iyagoo marka ay uruuriyaan fikiradaha dhinacyada kala duwan la wadaagi doona dalalkooda, halkaasoo iyana laga sugayo in illaa caawa warar ka soo yeeraan.

Beesha Caalamka ayaa aad uga walwasan natiijo la’aanta shirkii Afisyooni, waxaana laga sugayaa in saacadaha soo socdo war soo saaraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More