Mario Balotelli oo ka caawiyay Italy inay 2-1 uga badiyaan England, kadib ciyaar xiiso leh (Sawirro)

by A M | Sunday, Jun 15, 2014 | 3536 views

Xulka Italy ee Azzura ayaa guul ku bilowday ciyaartoyda hore ee Group D, kadib markii ay 2-1 ku dubteen xulka England, ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday garoonka Amazonia

.

Ciyaartan oo aheyd mid si gaar ah isha loogu hayay, hadana England ayaa soo bandhigtay bandhig kubadeed oo la jilceystay, taasoo wax badan kaga duwaneyd sidii horay loogu yiqiinay.

Shantii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta ayaa ciyaartoyda England dar dar fiican ku bilowdeen, iyagoo halis gelinayay goolka Talyaaniga ee uu waardiyaha ka ahaa Goolhayaha PSG Sirigu oo buuxiyay kaalintii Goolhaye Buffon.

Daqiiqadii 3aad ayaa Sterling kubad gantaal aheyd uu ku gamay goolka, balse dhinac ayay ag martay oo waxaaba loo qaatay inuu gool ahaa, markii ay dhinac shabaqa kaga dhacday kubada.

Labo daqiiqo kadib Henderson ayaa u dhowaatay inuu hogaanka u dhiibo, kadib darbad xoogan oo uu banaanka ka toogtay, taasoo uu bad-baadiyay Goolhaye Sirigu.

Sida wacan ee ay u ciyaarayeen iyo rogaal celista deg dega ee ay sameynayeen weeraryahanada England, sida Rooney, Sterling, Welbeck iyo Sturidge ayaa u suura geli waayay inay shabaqa soo taabtaan.

Xidiga qadka dhexe u maamula Italy Andrea Pirlo ayaana ahaa ninka inta badan kubadaha halista ah ku abuurayay, waxaana kubad gantaal aheyd oo uu Candereva ku tuuray goolhaye Hart uu soo bixiyay, balse ma jirin cid ku celisay.

Daqiiqadii 35aad ayay Italy heleen goolkooda hogaanka, waxaana ay aheyd koorno loo soo baasay Pirlo oo si qiyaano leh uu uga booday Marchiso oo banaanka xerada ganaaxa ka toogtay, isla markaana daba mariyay Goolhaye Joe Hart.

England ayaa jawaab deg deg ah ka sameysay goolkaas, kadib weerar rogaal celis ay soo qaaday labo daqiiqo kadib waxaa goolka bar baraha u dhaliyay Sturidge, kadib markii uu baas qurxan ka helay Rooney.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar bar dhac gool iyo gool, inkastoo Italy ay badneyd kubad heysashada, halka England ay dhowr fursadood oo goolal loo fishay ay qasaariyeen.

Markii la isku soo laabta qeybta labaad ayaa ciyaartoyda England bilaabeen mowjado weeraro ah, iyagoo ku dadaalayay in aan gool kale laga dhalin, waxaana Sturidge uu kubad halis aheyd ku tuuray goolhayaha Talyaaniga, balse laga bad baadiyay.

Daqiiqadii 50aad Balotelli ayaa gool madax aheyd u dhaliyay xulkiisa Italy, kadib karoos macaan uu ka helay Candereva oo u muuqday inuu kubada la raadinayay, isla markaana Balotelli u diyaarsanaa inuu madaxaas shabaqa ku hubsado.

Ciyaaryahan Wayne Rooney ayaa u soo dhowaatay daqiiqadii 62aad inuu u bar bareeyo xulkiisa, laakiin kubada uu ku helay diilinta ganaaxa dhexdeeda gees ayay goolka ka martay.

Tababaraha Englad Roy Hodgson ayaa is bedelo sameeyay, si uu natiijada wax uga bedelo, halka Tababaraha Italy Prindelli uu isna qaab daafac ku dhisan uu isticmaalay, si uu goolka u bad baadsado, waxaana uu keenay difaac dhexe.

Fursado aad loo fishay kadib England ma aanay u suura gelin inay iska bar bareyso, waxaana dhamaadkii ciyaarta gool laad xor ahaa waxaa birta kaga dhiftay England Pirlo.

Xulka England ayaa ku bilowday guuldaro kulankooda u horeeyay ee Group D, waxaana ciyaarta labaad ee soo socota ay la ciyaari doonaan xulka Uruguay oo guuldaro lama filaan kala kulantay caawa Costa Rica.

Group D ayaa ah kan ugu adag Tartanka Koobka Aduunka, waxaana koobka Aduunka Brazil sanadkan lagu qabanayo ee 2014 ka soo baxaya natiijooyin aan la filaneyn.

By C/casiis Golf

 

 

italy-eglan (2)

italy-eglan (9) italy-eglan (8) italy-eglan (7) italy-eglan (6) italy-eglan (5) italy-eglan (4) italy-eglan (3) italy-eglan (2) italy-eglan (1)

Like it? Share it!