Markana waa sheekadi cusbeeyd ee Samir caanshaq sad ma leeyahay waana qeybtii 34 aad.

by hanad | Tuesday, May 20, 2014 | 1364 views

Ifraax:

Maya isma fahmi karno waa uu I nacay waana uu baxay nolosheyda waxa laga sheegay sow run maaha ileyn sharey in aan ahay ayaa la ii sheegay markii labaad ayaan nolosha ku guuldareystay illaahayow nafteyda soo doono.

Farxiya:

Isaga wax uusan hubsan ayaa uu la cararay laakiin side ayaa u ku ogaaday in Maxamed yare uu kuu imaanayo

Ifraax:

Ma aqaan saaxiibey Ma aqaan

Farxiya:

samircashaq

Samir caanshaq sad ma leeyahay

Is deji waaba fulay ninkaas waxbana dartiis ha isu murjin

Ifraax:

Ma noolaan karo la’aantiisa

Ifraax markii ay intaa tiri ayaa ay ooyin la dhacday Farxiyadii samirsiinta laga rabayna ku darsatay cajiib waa tii fanaanadii heestay ay tiri JACEYL WAAYAHIISA WAREERKA IYO CIILKA DARTAA WIIRADIISA MAXAAD NAFTA WAANSHAY”.

Ifraax miskiin miskiin mar kale ayaa ay nolosha ku guuldareysatay labo kala bariday kala war la ‘a waa tii la yiri Ilyaas waxa uu saaka u fadhiyaa garoonka diyaaradaha Muqdishu inuu ka cararo Ifraax oo u arkay in ay qiyaameysay oo ay nin kale ku waday dhinaca kale Saaka waxaa Ifraax loo tuugtuugayaa oo is deji Ilyaas haddii aad calaf isku leedihiin waan is haleysaan halka maxamed yarena uu ka fakirayo sida u Ifraax qalbigeeda mar kale ku hahan lahaa mid ay sheegeysana uu meesha kaga saaro.

Ilyaas labo saac ka yar ayaa uu kaga baxsaday jaceylkiisa oo uu ku gaaray magaalada Hargeysa halkaas oo koox ay shiraako ahaayeen soo dhaweyn fiican ugu sameeyey oo la dejiyey guri cusub oo shirkada dhawaahaaan dhistay si martida iyo madaxda shirkada ay u degaan.

ILyaas isla subixii xigay ayaa xafiis loo diyaariyey oo uu fadhiistay wax waliba waxa uu doonayey inuu si deg deg ah uu ku wado waxa uuna ogaansaday inuu shaqo isku mashquulisyo maalin qura ayaa uu cover gareeyey inuu baaritaan buuxda ku sameeyo dhamaan dukumentiyada shirkada kuwaas oo in muda ah madmadow badan ka jiray.

Ilyaas si kasta oo isu mashquuliya ma sahlana inuu si sahlan ku ilaawo jaceylkiisa Kowaad hadana waa is adkeynayaa qofka kaliya ee xaalkiisa wax ka og waxa uu ahaa abtigiis daadir oo mar walba xaalkiisa soo warsan jiray inuu is adkeeyana kula talin jiray.

Ifraax iyada sariirta ayaa ay wehel la noqotay cabistii iyo cunidii ayaa iska jartay hooyadeedna waa ku daashay mar kasta waxaa loogu yeeraa saaxiibteed hadana war ma maqasho qof ay meeli u cad tahay ayaa ay aheyd.

Maxamed yare telefoon waa ku daalay maalin kasta waa soo wacaa hadana kama qabato markii dambe waxa uu goaansaday in arrinta Ifraax uu kaashto saaxiibteed Farxiya waxa uuna ku soo boqoday xaafadeeda xilli ay ka timid saaxiibteed.

Maxamed Yare:

Farxiyooy I waran walaashay manta adigaan kuu socday

Farxiya:

Wax walba waan la socdaa Ifraax ayaa telka kaa qaban weyday

Maxamed Yare:

Haa laakiin maxay sidaan igu cadibeysaa la hadal saxxibbtaa una sheeg in ay nolosha dhab iga tahay.

Farxiya:

Maxamadow ma aqaan waxaan ku dhaho Ifraax si xoogan ayaa ay kuu aamintay waadna cidleysay hadana manta mar kale I aamin ayaad leedahay marka ma shalay ayaa ay nolosha daacad kaa ahayd mise manta.

Maxamed Yare:

Aniga shalay waxaan u cararay waxa ay aheyd danteena manta taa ayaan u soo noqday.

Farxiya:

Maxamed waxaad ku qaldaneyd in aan keligaa go;aanka qaadatid Ifraax cidna kuguma doorsaneynin laakiin adigaa manta gaarsiiyey heerkaan ay ku dhibsado marka iska ilaaw.

Maxamed Yare:

Taasi waa sahlan in aad I dhahdo iska ilow mana dhaceyso

Farxiya:

Oo hada maxaad sameyn kartaa ileyn Ifraax mid kale ayaa ay la heysaa oo jecel adigana waqtiga ha iska lumin.

Maxamed Yare:

Taasi waa waxaad qaadan Karin mar kaliya ha ila kulanto waan hubaa in aan ka dhaadhicin karo hadafkeyga.

Farxiya:

Waan ka xumahay anigana kuma saacidi karo waayo in an adiga ku garbiyo waxaan ku waayaya Ifraax marka naftaada meel kale la doon ayaan ku dhihi lahaa.

Maxamed Yare isaga oo murugsan ayaa iska luuday una muuqday nin markaan quusan doono
Farxiya waa u murugoodaa mar kasta saaxiibteed sida ay nolosheeda ugu adkaatay hadana maalin qura uma murugoodo miskiinkii Axmed oo noloshiisa ay iyada ka bilaabatay hadana darajo iyo tixgelina aan ku heysan.

Axmed mudadii bisha aheyd ee uu shaqada ku joogay Nayrobi waa u dhamaaday hadana waxaa loo soo bandhigay in labo bilood oo kale uu sii joogo maadaama u jiray boos qofkiisa maqan yahay oo uu buuxinayey Axmed waa uu ogolaaday inuu mudadaas sii joogo Nayrobi ileyn naxariis uu u cararo iyo hamuun uu guriga u qabay midna ma jirin.

Markiiba waa soo wargeliyey Farxiya una sheegay ila labo bilood oo kale uu ku sii nagaan doono dalka Kenya isla markaana sida caadada ah uu biilka xawaalada soo dhigi doono
Farxiya iyada joogistiisa ayayba dhib u aragtay waana ku faraxsaneyd inuusan ku soo laaban balse cida kale ee xiisaha u qabtay waxa uu ahaa Ciyaalka oo aad u jeclaa mar kastana hooyadood weydiin jiray xilliga uu imaanayo Adeer Axmed ma aqaan uun ayaa uu ahaa jawaabteeda Farxiya.

Ifraax nolosha in murug uun loo qoray ayaa ay isu sheegtay hadana buug weyn in ay nolosheeda ay ka qortana waa bilaawday maalin kasta calaancal jaceyl ayaa ay wadaa oo ay qortaa qalad aysan gelin in lagu cinqaabayo ayaa ay sheegtaa hadana eeda ayay dusha kaga tuurtaa Ilyaas oo ay fulay ku sheegtaa Ifraax intaas waa ay ka badan ladahay.

Ilyaas laf ahaantiisa maalin qalbigiisa kama bixin Ifraax oo sawir uu maalin si qarsoodi ah kaga qaaday mobilkeiisa ayaa uu daawadaa oo qalbiga ku dejistaa.

Wax la tiriya waa taagteed Axmed labadii bilood ayaa u soo dhamaaday waxa uuna saaka ku soo noqday magaalada Muqdishu waa safar aan hilow laheyn cid si weyn u soo dhaweysay ma jirin marka laga reebo ciyaalka oo markii ay arkeen ku soo booday qof walba meel kasta ka dhunkaday Axmed marka uu arkay sida ay ugu riyaaqeen ayaa uu ilmeeyey waxaase mar kaliya caloosha ka gediyey markii ay yiraahdeen Adeer Mar kale ha naga tagin.

Axmed inta uu soo meyrtay ayaa uu maalintaa ciyaalka uu adeerka u ahaa la qadeeyey kadibna nasashadiisa iska galay Farxiya iyada wax aan salaam aheyn uma dhaafin.

Waa xilli galab ah waa bilooyin kadib markii Ifraax ay u soo ban baxday banaanka kadib mudo dheer oo ay sariirta saaxiib la aheyd qofkii maalinta arkana waxa uu lahaa miyaad xanuunsatay iyada waxa ay laheyd waayaha ayaa meel xun I dhigay mooyee ma aanan xanuunsanin.

Ifraax saaxiibteed Farxiya ayaa ay ku soo booqatay gurigeeda iyada oo waliba galabtaas si bilicsan u lebisan Farxiya oo ku faraxday markii ay aragtay ayaa tiri.

Farxiya:

Maasha Allah saaxiibey waan kugu farxay illaahay ha kuu siyaadiyo

Ifraax:

Aammiin saaxiib ma aha intaan in ka badan in aan nafteyda dhibo wax badan rajo waan naawilay balse nasiibka ayaa meel xun I dhigay hadana waan in aan aqbalaa.

Farxiya:

Sidaa ha dhihin meel xun ma taalid adduunka ayaa sideedaba imtixaan ah wixii aad martayna imtixaan ayaa ay ahaayeen alxamdullaahi manta waad ka booday waa adigaan mar kale sidaan kigu aqiinay ku soo noqday Maasha Allah.

Ifraax:

Mida kaliya ee I dhibta ayaa ah guuldarada balse markaan jaceyl badiisa ma geli doono.

Samir caanshaq sad ma leeyahay waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah.PENNED BY XAALI XAALKOOS
xaalkoos@hotmail.com

Like it? Share it!