Samir caanshaq sad ma leeyahay waana qeybtii 36 aad.

by hanad | Friday, May 23, 2014 | 5497 views

Markana waa sheekadi cusbeeyd ee Samir caanshaq sad ma leeyahay waana qeybtii 36 aad.

 

CINDIGA LAHASHADA U NUGUL

KU CALEEMO SAAR UBAX

ADOO CADIBAAD U GEYSAN

FARXADA IFKA KULA CAWEY

JACEYLKA ANAA CASUUMAY

ANAA CALMASHADA ABUURAY

WAXAAD COLAADEE DAREENTO

CIDLADA IGU DHAAFI KELI

 

Ilyaas la yaaab ayaa ay ku aheyd inuu ereyadaan ka helo abtigiis Ilyaas markiiba ayaa inta uu qoslay ayaa is yiri “ALLE ABTIGEY WAAN KU OGAA INUU NAAGO BADAN YAHAY MALAHA CID KALE AYAA UU EREYADAAN U WADAY” markiibana waa uu wacay waxaana dhex martay hadaladaan.

Ilyaas:

Abti waxaan filayaa in Msg qaldan igu soo riday malaha meel kale ayaad ku wadaa waan ku ogahay libaax ayaa tahay waana naago badisaa marka numberka iska sax abti.

Daadir:

Abtiyow fariinta adigaa leh waxana kuu sheegayaa in Ifraax aan la guursan waana hubay aniga in war qaldan aad qaadatay loona baahnaa in Ifraax aad la kulanto inta aadan go’aan qaadan laakiin si kastaba manta Ifraax ayaan xaafadeyda ku arkay iyadoo aroos u socoto waana sheekeysanay wax walbana waa ii sheegay waana kuu xanaaqsaneyd waxay igu tiri ereyadaan u gudbi oo u sheeg inuu fulay yahay.

ILyaas:

Abitiyow runta ii sheeg arrintaas wax lagu cayaaro ma aha

Daadir:

Ma jirto abti sabab aan been kaaga iibiyo teeda kalana tan oo kale in xagaaga aysan kaftan ka gelin waan ogahaya laakiin abtiyow Ifraax dembi weyn ayaad ka gashay waan hubaa in habeenkaas casuumada laguu fidiyey in ay nafteeda kuu hibeyn laheyd laakiin adigaa fulay noqday.

Ilyaas:

Abti hada maxaan sameeyaa.

Daadir:

Ugu horeyn la soo hadal oo raali geli kadibna imaaw waa intaas

Ilyaas:

Ok Abti intaas ayaan isku ognahay

Ilyaas habeenkaas farxada ayuu la duuli gaaray keligii ayaa uu qosol iyo farxada la caweynaayey waxa uuna go’aan ku gaaray inuusan la soo hadal oo uu saadambe uu diyaarad soo raaco oo uu ka dulyimaado sidii ayaana uu go’aansaday isaga xataa aan abtigiis u sheegin.

Axmed habeenkii markii ciyaalka la ssexiyey oo Farxiya qolka soo gashay ayaa uu inta uu istaagay ayuu hadiyadii uu u siday boorsadada inta uu ka soo saaray u dhiibay Farxiya markii loo soo taagay ayaa iyada oo aan ka qaban ku tiri.

Farxiya:

Maxay yihiin

Axmed:

Waa hadiyad aan kugu talagalay

Farxiya:

Waad is dhibeysaa Axmed naftaadana ha cadibin waxa aad sameyneysay lagama yaabo in aan igu kasbado markii hore ciyaalka ayaa ii soo martay hadana sidii dhoocilada ayaa rabtaa in aad hadiyado igu sasabato war aniga go’aankayga waa kii hore ee iska ilow cayaarta aad wada waa mid aan kuu soconeynin.

Axmed oo niyad jab weyn ka qaaday hadalkeeda ayaa yiri

Axmed:

Sidaad u fikirtay wax uma jiraan go’aankaagana waa mid aan horey u qaaday waana qiimeeyey laakiin waxaan is lahaa maadaama aad dal kale ka timid hadiyad la’aan ha u tagin.

Farxiya:

Hadiyada dad isku faraxsan ayaa iska qaata ee waa ku baryaa cayaarta iga daa

Axmed:

Cayaarta aan wado ee adiga ku cajabin la’ waa tee

Farxiya:

Axmed sida nin weyn u fikiri gurigaan waqtigaaga iyo maalkaaga ayaad ku bixisaa hadana farxad kama heshid maad fikirtid

Axmed:

Farxada meesha aad ka wado aniga farxad uma arko tan maalkeyga ma filaayo in ay meel qaldan ay ku baxayaan kuwa aan noloshooda ka faalo qaaday waa agooman inta wax la quudiyana waa kuwa ugu ajirka badan tan labaadna waa ilmo igu dhiig ah oo uu walaalkay dhalay laakiin adiga aya rabo in aad wax kale I dhahdo waana filaayey in mudaba uu hadal kugu jiray.

Farxiya:

Axmed sida nin weyn u fikir waxa aan kaala hadlaayo waa dantaada

Axmed:

Adiga Farxiya ah dantaada ma ogtahay horta marka aad teyda ii sheegeyso

Farxiya:

Waa ka xumahay Axmed maadaama aad biilka naga bixiso miyaad rabtay in aan danteyda taa u arko oo aan ku karaameeyo

Axmed:

Taa kama hadlaayo aniga ee haddii uu war kugu jiro waad I dhihi kartaa

Farxiya:

Axmed aniga marnaba kuguma faraxsani ee waan ku baryaa I dhaaf waliba gurigeyga I dhaaf gurigaan wax kuu yaala malaha ninkayga ayaa iga dhintay aniga iyo wiilashayda ayaa leh nolosheena ka bax ilmaheyga ayaa iga fara dhuudhuubnaaday oo adiga oo kaliya ku maqlayo intaan ka xaga maxaan sugayaa war ilmahaan waxaad shaqo oo aad ku ledahay ma jiro nin kaa raganimo badan ayaa dhalay waa ku baryaa na dhaaf oo daneyso taada u kac.

Axmed oo hadalka bilaawgiisa ka garanaayey hadal xumo in ay caawa wado ayaa yiri

Axmed:

Ok sidaa jeceshahay aniga mar kasta culeys kuguma aheyn hadana kuguma ahaan doono

Farxiya:

Culeys kuguma aheyn ayaa uu leeyahay waryaa xilli hore ayaan nolosheyda dhisan lahaa adigaa intaa I soo hor joogay war nacasnimada iska daaya daneyso aniga marnaba nin ahaan kuuma qaadan doono.

Axmed ciil dartii ayaa cunaha go’ay

Axmed:

Ilaa caawa ii dulqaado waa ballan in wejigeyga aadan mar kale arkin

Farxiya:

Taa waan ku faraxsanaa lahaa

Axmed markiiba qolka ayaa uu banaanka kaga soo baxay oo uu barandada fadhiistay Faaduma Kuusey oo hadalka oo dhan la socotay ayaa dul timid oo tiri Shaah ma kuu keenaa walaal maya ayaa uu ku yiri.

Axmed habeenkaas hurdo ma gam’in qolkana kuma noqon oo waxa uu waaga ugu baryey banaanka waxa uuna go’ansaday inuu marka waaga baryo inuu shandadiisa uu ka qaado inta aan la soo toosin sidii ayaana uu yeelay waxaase habeenkaa murugta la qabtay Faaduma Kuusey oo guriga shaqaalo ka aheyd oo markii uu boorsooyinka soo baxsaday ku soo baxday kuna tiri.

Faaduma Kuusey:

Ma baxeysaa walaal

Axmed:

Haa walaal

Faaduma Kuusey:

Sidaa ayaa kuu roon illaahay abshirta ha ku waafajiyo gurigaan cid kaama rabin laakiin ciyaalkaan markii hore agoonnimo ma dareemin laakiin manta ayaa ay ogoon noqdeen.

Axmed markii ay intaa tiri ayay illinta soo dhaaftay oo uu yiri

Axmed:

Mar kasta adeerkood ayaan ahaa waana ahaanayaa noloshooda waa sidaan u kafaalo qaaday

Faaduma Kuusey:

Hada intee aadeysaa

Axmed:

Nayrobi ayaan ku noqonaa meesha ayaa ii wanaagsan oo aan shaqadeyda u badalanayaa

Faaduma Kuusey:

Illahay qeyrkiisa ha ku waafajiyo

Axmed:

Aammiinn walaal laakiin cid ha u sheegin arrinta caawa halkaan ka dhacday waliba waalidkay.

Samir caanshaq sad ma leeyahay waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah.PENNED BY XAALI XAALKOOS
xaalkoos@hotmail.com

 

Like it? Share it!