Maxkamada ciidamada oo xukuno dil iyo xarig isugu jira ku riday 5 dhalinyaro ah

by mahad muuse | Sunday, Jun 8, 2014 | 5307 views

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday shan dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil askari ka mid ahaa ciidamada dowlada oo lagu diley Muqdisho.

Shantan dhalinyarada ah ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilka askari ka tirsanaa ciidamada oo lagu diley degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay xubno ka ahaayeen ururka Alshabaab ayna ka qaateen askarigii ay dileen qori uu watay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maanta dhagaysatay dacwada loo haystay dhalinyaradan ayaa soo bandhigtay bastoolad la sheegay in lagu diley askariga ka tirsanaa ciidamada dowlada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Liibaan Cali Yarow oo ku dhawaaqay xukunka isugu jira dil iyo xabsi ciidan oo ay ku riday maxkamada ilaa iyo shan eedeysane kuwaas oo uu ku sheegay guddoomiyaha in lagu helay dambiga ay galeen.

Maxkamada ciidamada ayaa dhowaan xukuno dil ah ku xukuntay labo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay dileen gabar lagu magacaabi jirey Nafiso Cismaan iyo sidoo kale wiil dhalinyaro ah oo isagana lagu eedeeyay in uu hoobiyaal ku garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira dhalinyaro ay hore maxkamada ciidamada dil toogasho ah ugu xukuntay.

 

Like it? Share it!