Milatriga Mareykanka oo duqeymo cirka ah ku qaaday Kooxda Daacish ee Waqooyiga Ciraaq

by Axmad ali | Friday, Aug 8, 2014 | 4025 views

Milateriga Mareykanka ayaa weerar dhinaca cirka ah ku qaaday kooxda Daacish ee waqooyiga Ciraaq, saacado kadib markii Madaxweyne Obama amray in la weeraro.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa bambooyin ku garaacay gaadiid dagaal oo ay wateen kooxda Daacish, kuwaasoo ku sii jeeday magaalada Irbil, halkaasoo Mareykanka ay ka joogaan tiro la taliyeyaal ah, isla markaana uu ku leeyahay qunsuliyad.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa amray khamiistii in cirka laga duqeeyo dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya (IS), isagoo sheegay in aanu ciidamo u diri doonin Ciraaq.

Wasaarada Difaaca ee Pentagon ayaa sheegtay in duqeymo cirka ah lagu qaaday koxoda IS, xilli ay ku sii jeedeen Irbil.

Xoogaga islaamiyiinta ayaa tan iyo bishii June la wareegayay deegaano badan, iyadoo maalin ka hor la wareegay magaalada ay ku badan yihiin dadka Kirishtaanka oo la yiraahdo Qaraqosh.

Fara gelintan deg dega ee dhinaca milateri ayaa ka dambeysay markii kumanaan ruux oo ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ee Yazidi ay ka qaxayaan waqooyiga Ciraaq, iyagoo u cararay deegaanada buuraleyda, markii kooxda Daacish ay dhowr magaalo qabsatay.

Like it? Share it!