Banaan bax lagu taageerayay Mooshinkii lagala laabtay Xukuumada oo Muqdisho ka dhacay+Sawirro
Banaan bax ballaaran oo lagu taageerayay go'aankii xildhibaanada baarlamaanka ay ula laabteen mooshinkii ay ka keeneen Xukuumada ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Boqolaal dadweyne oo ka kala yimid qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa isugu soo uruuray Taalada Sayidka, halkaasoo ay kula hadleen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale banaan baxa ayaa lagu taageerayay 50-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ururka Midowga Afrika.
Xiriiriyaha degmooyinka Gobolka Banaadir Dhagacade oo ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay in banaan baxan dadweynaha ka soo qeyb galay ay iskood isaga soo abaabuleen degmooyinka, isagoo xusay inay tahay wax aad lagu farxo in mooshinki dowladda lagu duminayay in laga laabto.
Sidoo kale Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi ayaa sheegay in dadka ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir ay iyaga isa soo abaabuleen, ayna ka turjumeyso banaan baxan rabitaanka shacabka.
Waa banaan bixii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca magaalada Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay Xukuumada, iyadoo banaan bax labo maalmood ka hor ka dhacay halkaas looga soo horjeeday mooshinka laga keenay Xukuumada.