Jowhar.com - Somali news Leader
June 20 2013 07:24:10
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Madaxweyne Xasan Sheekh "Mustaqbalka waxaa rajeynayaa in Muqdisho lagu qabto shir madaxeedka Midowga Afrika"
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qeyb galay munaasabad loogu dabaal degayay 50-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ururka Midowga Afrika, kaasoo maanta lagu qabtay Xarunta Xalane oo talis u ah AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalin weyn ku laheyd aas aaska Midowga Afrika, isagoo xusay in sanadkii 1963-dii uu wax ka saxiixay dhismaha Ururkii OAU-da la oran jiray Madaxweynihii hore Soomaaliya Allaha u naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan.

"Soomaaliya waxay ku faaneysa inay aheyd dalalkii wax ka aas aasay Midowga Afrika, waxaana lixdameeyadii markii la aas aasayay ururkii OAU-da wax ka saxiixay Madaxweynihii hore Aadan Cabdulle Cusmaan"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xaafada African Village oo ku taal Muqdisho loogu magac daray madaxdii Afrikaanka ee Muqdisho ku shiray sanadihii 70-meeyadii, halkaasoo aheyd goobtii la dejiyay.

"Xaafada African Village oo Muqdisho ku taalo waxaa loo dhisay madaxdii Afrikaanka ee Muqdisho yimid todobaatameeyadii ee halkan shir ku laheyd"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaafadaas ay mar la wareegeen Shabaab, balse Ciidamada ka socda AMISOM ay Al-Shabaab ka saareen markii halkaas kula dagaalameen, waxaana uu xusay inay rajeynayaan in mar kale ay degaan madaxdii Midowga Afrika.

"Mustaqbalka waxaa rajeynaynaa in Muqdisho lagu qabto shir madaxeedka Midowga Afrika, madaxdii Afrikaan mar kale deegaan u noqoto African Village"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Munaasabada ka dhacday Xalane ee loogu dabaal degayay sanad-guuradii 50aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Midowga Afrika ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Safiiro kale oo Soomaaliya u fadhiya dalalka geeska Afrika.

Maxamed Saalax Annadif ayaa sheegay in Midowga Afrika uu 50-sano jirsaday, waxaana uu cadeeyay in wax badan uu muuqda ka qabtay Qaarada Afrika,

Munaasabadan ka dhacday Xarunta Xalane ayaa aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo astaanta Soomaaliya iyo kan Midowga Afrika la isla garaacay, waxaana ammaanka uu ahaa mid aad loo adkeeyay.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

mahad on May 23 2013
0 Comments · 1719 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
506,769 unique visits