Ok laakiin mid ogaaw in kaniinkaan uu yahay mid ilmaha la iska ilaaliyo koley sidii aad u qaadan laheyd adiga ayaa ay ku quseysaa
Sahro:
Ma aqaan sidaan ku dhaho laakiin shaki ayaan dareemayaa
Qaali:
Laf ahaanteyda ma doonayo in guri dhisan uu dartey u dumo laakiin xaqiiqda jirta waa taa
Sahro yaab ayaa ka soo haray si ay u hadasho ayaa ay garan weyday waxayna habeenkii markii ay qolkeedii tagtay go’aansaday in ay Ciise la hadasho oo ay weydiiso sida uu xaalka yahay iyo micnaha ka dambeysa kaniinkaan uu siinayo habeen kasta Ciise markii uu soo galay qolka ayaa ay Sahro hadalkii la soo booday oo ay tiri.
Sahro:
Haye Ciise hadal ayaan caawa qabaa
Ciise:
Hadalka miyuu yahay
Sahro:
Wax kale maahee ee waa kaniinkaan baas ee aad igu wado sidii qof jiran ii sheeg micnahiisa
Ciisse:
Kaniinka sababta loo cabayo adigaba waad ogsoon tahayee maxay tahay sababta aad ii weydiineyso
Sahro:
Laakiin runta kama sheegin manta qof yaqaan ayaa arkay oo ii sheegay
Ciise:
Oo haddii laguu sheegay maxay tahay sababta aad ii weydiineyso
Sahro:
Afkaaga in aan ka maqlo ayaan rabaa maxay tahay sababta aad ku diiday in aan ilmo kuu dhalo ii sheeg Ciise
Ciisse:
Sahro waxba ha is dabaalin sabab aan iminka ilmo u dhalno ma jirto dhibkoodana hanaga maqnaadaan masuuliyadaas ma qaadi karno.
Sahro:
Adiga oo kaligaa iska hadal oo dheh ma qaadi karo laakiin aan ku su’aalee maxaad ku sifeyn kartaa xiriirka noo dhaxeeyey.
Cisse:
Aniga kuma fahmin laakiin xilli aan ilmo dhalno lama joogo
Sahro:
Su’aasheyda kama jawaabin xagaaga ma waxaan ka ahaa naag jirkeeda ka ganacsata ileyn guur aan owlaad la rabin ayaa micnahiisa sidaa ah.
Ciisse:
Adiga sidaad doonto u sawiro laakiin reerkaan hanaga dumin
Sahro:
Reerkee ka hadleyso ma reer mar hore aad adiga gacantaaa ku burburisay farxadii aad heli laheyna isbaaro u dhigatay markaasaa reer ka hadleysaa.
Ciisse:
Marka buuqaaga waa uu batay aan kaa seexdo
Sahro:
Adiga waad seexan kartaa laakiin aniga lagama yaabo in aan seexdo
Ciisse:
Oo halkaan hadaadan seexan halkee aadeysaa ileyn meeshaan Nayrobi ayaa la yiraahdaa qof jiif xataa ku siineyso ma jirtee meeshaan iska jog qof iiga kaa roon ma jirtee.
Markiiba Sahro shandadeedii ayaa ay qaadatay oo aaday gurigii Qaali una sheegtay in sidii ay u sheegtay uu Ciisse u sheegay oo uusan dooneynin in ay ubad u dhasho go’aankeeda uu yahay in beri la furo habeenkii meesheeda ayaa ay seexatay.
Subaxii ayaa ay Sahro ku kalahday Ciisse oo ay ku tiri madaxeyga wax ka yar oo aan aqbalayo ma jirto buuq badan ayaa goobtii ka dhacay dad badan oo deriska ahaa isu soo aruuray dhowr jeer ayaana gacanta la isu tagay oo la kala qabtay Sahro waa ay ku adkeysatay in la furo ugu dambeyn 2 dalaaqadood ayaa uu ku furay sidaasna xaalkooda ku dhamaaday.
Sahro markii ay gurigii Qaali timid ayaa ay ooyin iska gashay waxayna tiri
Sahro:
Manta qaladkii aan galay cinqaabtiisa ayaan marayaa maxaa yeelay waalidkii ii dhalay ayaan nacaskaan ka soo raacay mudo 2 sannana meel iguma sheegaan sow cuqubadaas ma tahay in aan maro.
Qaali:
Is deji wax waliba waa ay hagaagayaan waqtina kaama tagin
Sahro:
Waa in aan waalidkeyga ku noqdaa oo aan cafis weydiistaa ileyn wiil caasiyoobay uguma horeeyey
Qaali:
Waan filayaa in ay ku cafin doonaan ileyn waa beer wax dhalay
Sahro:
Qofka kaliya ee igu saacidi karo in aan Soomaaliya ku noqdo waa Garaad nasiib darana ma aqaan meel aan ka raadiyo
Qaali:
Garaad uu yahay
Sahro:
Waa wiil guriga nala deganaa oo naxariis badan qolka iminka xeran ayaa ay degnaa jireen isaga iyo asxaabtiisa wallow iyaga ay ka dambeeyeen balse bishii hore ayaa ay guureen mana aqaan meel aan ka raadiyo wax kale iska daa xataa jamaacada uu dhigto ma aanan weydiin magaceeda waa wiil reer Mombasa ah
Qaali:
Haddii uu reer Mombasa yahay waa jirta arday badan oo kulyada caafimaadka dhigta oo xageena tababar loo keeno oo Mombaasa ka yimid iyagaana weydiinayaa haddii ay is yaqaanaan
Sahro:
Waa tahay walaal
Sahro maalmo murugo ayaa u bilaawdaya waxayna la nooleyd oo ay la joogtay Qaali oo maalintii oo dhan shaqo jirtay guriga ayaa ay keligeed joogtay maalintii dambe ayaa ay u sheegtay in la soo helay Garaad oo u imaan doono
Garaad waa loo sheegay in ay Sahro u baahan tahay oo ay guri kale joogto durba waa sawirtay in ay jirto dhib isla markaana kii Ciise ahaa uu gabadha dhibay habeenkii dambe ayaa uu soo raadiyey markii albaabka laga furay ayaa loo sheegay in ay qolka ku jirta waana uu gudbay
Sahro oo markii ay Garaad aragtay xooga is xumeysay ayaa uu yiri
Garaad:
Ii sheeg Sahro sidee wax u jiraan maxaa ku helay
Sahro:
Ninkii xumaa ee Ciise ahaa waan kala tagtay
Hubaal caashaq iyo hinnaaso dumar waxeey qaas u tahay Jowhar.com kala soco Jimco walba insha Alah.