Jowhar.com - Somali news Leader
May 26 2013 08:49:01
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Culumada Ahlu Sunna oo taageeray howlgalada lagu baarayo guryaha ku yaala xaafadaha Muqdisho
Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa bayaan ay soo saareen waxay si buuxda ugu taageereen howlgalada ay iska kaashanayaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Bayaanka ka soo baxay Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in howlgaladaasi ay yihiin kuwo wax weyn ka qaban kara xasiloonida iyo nabadgelyada magaalada Muqdisho isla markaana hoos u dhigaya tacadiyada iyo xasuuqa ay kooxda Shabaab ka geysaneyso magaalada Muqdisho.

"Shacabka degan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir oo dhan waxaan ugu baaqeynaa inay iska soo dhex saaraan kooxaha fidno wadayaasha ah ee kula dhex meereysaneysa qaraxyada iyo falal lidiga ku ah nabadda" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Sidoo kale shacabka Muqdisho ugu baaqay in haddii ay arkaan qof fidne wade ah ay ku soo wargeliyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM si sharciga loo hor geeyo isla markaana laga abaal mariyo dembigii uu damacsanaa inuu u geysto dadka iyo dalka.

Golaha Culumada ayaa waxaa kale oo uu sheegay in guryaha magaalada Muqdisho qaarkood ay ku jiraan rag da' dhexaad ah iyo dhallinyaro la qalday inay maleegayaan falal cadowtinimo oo lagu baabi'inayo shacabka Soomaaliyeed, waxayna uga digeen dadka guryaha ku heysta kooxahaas fidno wadayaasha ah inay si degdeg ah isaga beri yeelaan inta aanay ciidamada ugu soo gelin guryaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Bayaanka ka soo baxay Golaha Sare ee Culumada Ahlu Sunna ayaa ku ammaanay ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM howlgalada ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho oo habeen iyo maalin ugu taagan yihiin sidii shacabka magaalada degan nabad ugu noolaan lahaayeen, "Nabad la'aan waa nolol la'aan" ayaa lagu soo gaba gabeeyay bayaanka ka soo baxay Culumada Ahlu Sunna Waljameeca.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

mahad on May 24 2013
0 Comments · 642 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
160,347 unique visits