Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Koofur Kuuriya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Villa Somalia ku soo dhoweeyay safiirka cusub ee dowladda Koofur Kuuriya u soo magacawday Soomaaliya oo lagu magacaabo Kim Chan-W.
Safiirka cusub ee Koofur Kuuriya ayaa waraaqihiisa aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo laga gudoomiyay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa kulanka uu la qaatay Safiirka cusub ee dalka Koofur Kuuriya ku wehliyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibada Jamaal Barrow.
Waxaa Madaxweynaha uga warbixiyay Safiirka lixda tiir ee siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya u degsan, isla markaana dowladda Koofur Kuuriya laga sigayo inay ka qeyb qaadato dib u dhiska dalka.
“Amniga ayaa noogu muhiimsan horumar badana waan ka gaarnay dhanka amniga, waxaan u baahanahay in aan sii wadno horumarinta amniga, dal kaligii kasoo baxay bur-bur ma jiro ayada oon beesha caalamka saacidin”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Dowladda Soomaaliya mar walba diyaar ayey idiin tahay. Waxaa naga go’an in aan xiriirkeena ku aadan South Korea aan wanaajino.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Faqriga ayaa wuxuu aas aas u yahay xag-jirnimadda wax badan waan qabanay, laakin weli Soomaaliya waxey u baahan tahay kaalmo xagga dibadda ah”
Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay Safiirada dowladdaha caalamka u soo magacaabayeen Soomaaliya, iyadoo dhowaan Madaxweynaha uu ilaa 10-safiir oo dalalka Yurub ah waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay.