Jowhar.com - Somali news Leader
June 19 2013 18:04:36
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Sarkaal ka tirsan Raaskambooni oo sheegay inay u diideen wafdiga Wasiirada in Kismaayo gudaha u galaan
Sarkaal ka tirsan Ururka Raaskambooni oo ka mid ah dhinacyada isku haya magaalada ayaa sheegay inay u diideen wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo.

Wafdiga Wasiirka gaashaandhiga ayaa xalay ku hoyday garoonka diyaaradaha Kismaayo, kadib markii ciidamada Kenya ay u sheegeen in aanay ammaankooda damaanad qaadi karin, hadii ay gudaha u galayaan magaalada.

Col. C/llaahi Cusmaan Yalaxow oo ka mid ah saraakiisha Raaskambooni ayaa sheegay inay u diideen wafdiga wasiirka inay magaalada galaan, isagoo ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin dhibaatada ka taagan magaalada.

"Wasiirka gaashaandhiga iyo wafdigiisa mushkilada halkan ka jira ayay dab ku sii shidayaan, waana u diidnay inay magaalada galaan, dowladda Soomaaliya iyadaa dhibaatada wada, markii Ra'iisul Wasaaruhu halkan imaanayay hal mar xataa ma aanu tagin Jaamacada Kismaayo, markii magaalada booqanaya, taas waa cadahay in ay mushkilada qeyb ka yihiin"ayuu yiri Sarkaalkan.

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in aanay ka war heyn wafdi ka socda dowladda oo Kismaayo yimid, isla markaana aan lagu soo wargelin.

Kulamo ayaa uga socda garoonka diyaaradaha Wafdiga wasiirada ah iyo saraakiisha, kuwaasoo ku xayiran garoonka diyaaradaha Kismaayo.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 27 2013
0 Comments · 3981 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
500,315 unique visits