Jowhar.com - Somali news Leader
June 19 2013 05:05:29
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Madaxweyne Xasan Sheekh "Ciidanka Kenya waxay hareer mareen howshii loo igmaday"
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya inay baal mareen howshooda, kadib markii ay diideen inay sugaan ammaanka Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Kismaayo.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha ka jeediyay shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ka furmay, isagoo arrintan wada hadalo kala yeeshay Madaxda Midowga Afrika.

“Anagu dhinacayga ma jirto wax cabasha ah oo aanu ka qabno Kenya, laakin qayb ka mid ah ciidamada xubinta ka ah AMISOM ayaa si khaldan u dhaqmay waxaan ay hareer-mareen howsha loo igmaday"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ka xumaaday diidmada ay ciidamada Kenya diideen inay sugaan ammaanka wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Inkastoo uu madaxweynaha Soomaaliya ka xumaaday diidmada ay ciidamada Kenya diideen inay sugaan ammanka wafdiga Xukuumadda, hadana waxa uu madaxweynuhu sheegay in dawladdiisu ay haysato taageerda wadamada gobolka oo ku taageersan dawladda sidii ay u hanan lahayd maamulka dalka una soo celin lahayd nidaamka iyo kala dambaynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay taageerda farsamo ee uu urur goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay dawladda Kenya ay ka gaysanayaan dib u dhiska Soomaaliya.

“IGAD waxay si cad u sheegeen doorkooda oo ah taageerda dawladda Soomaaliya, anaguna aad ayaan ugu faraxsannahay mawqifka IGAD.” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Waxaa jirta koox Kismaayo joogta oo iskood go’aan u gaaray, dabcan waa dad Soomaali ah, wayna yeelan karaan aragti u gooni ah, laakin hal arrin ayaa maanta Soomaaliya muhiim u ah, taasi oo ah in ay jirto dawlad Federaal ah oo ay dadka Soomaalida ah oo dhani leeyihiin.” ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay in xukuumaddisu ay leedahay qorshe cad oo ku aaddan dib u dhiska waddanka iyada oo la samaynayo maamulo Kumeel gaar ah, si jidka loogu sii xaaro qaranimo buuxda.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ku wargeliyeen Wafdiga wasiirada in aanay damaanad qaadi karin ammaankooda.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 27 2013
0 Comments · 3972 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
488,642 unique visits