Ururka Midowga Afrika ayaa ka doonaya dowlada Soomaaliya inay bixiso lacagaha qaaraanka ee ku soo beegma sanad walba.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Ethiopia qaraar ka soo baxay madaxda wadamada Midowga Afrika oo ku kulmaya magaalada Addis Ababa ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay bixiso lacagaha qaaraanka ah ee sanad walba dowladuhu bixiyaan.
Midowga Afrika ayaa sida ay daabacday Afrique en Ligue waxa uu ka doonayaa dowlada Soomaaliya lacago lagu qiyaasay inay gaareyso sanad walba $230,000.
Dowlada Soomaliya oo ka baxday kumeelgaarnimada ayaa ay tahay in ay si joogta ah u bixiso qaaraanka ama lacagaha ay dowladuhu ku bixiyaan socodsiinta howlaha ururada.
Toddobaadkan dalka Soomaaliya lagu qabtay xuska konton guurada ka soo wareegtay maalinta la aasaasay ururka Midowga Afrika.
Shirweynaha madaxda dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika oo ka soconaya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Illaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan sida ay dowlada Soomaaliya u bixin doonto lacagaha qaaraanka ah ayaan la sheegin.