Jowhar.com - Somali news Leader
June 19 2013 07:32:24
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kana hadlay arrimaha Jubooyinka+Sawirro
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta barqadii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Addis Ababa kaga soo qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika iyo shirkii Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaare Saacid, Wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne kale.

Shir jaraa'id oo uu Madaxweynaha ku qabtay Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa uu kaga hadlay arrimaha Jubooyinka, isagoo ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay gogol u fidin doonto dadka dega deegaanadaas, si maamul loo dhan yahay loo sameeyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay jirin cid loo diidan yahay inay maamul sameystaan, hase ahaatee ay lagama maarmaan tahaya in dowladda ay talo ku lahaato, dadka wax ay raali ka yihiin la sameeyo.

"Si kama dambeys dowladda soomaaliya waxay fidin doonta gogol looga tashanayo ama dib loogu qaabeynayo sidii dadka is raacsan oo mideysan sidii loo gaari lahaa maamul araali laga wada yahay"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaa ku daray in dadka waxay jecel yihiin ay doonayaan

"Codlaad ma jirto xumaan ma jirto qof dibada la dhigayo ma jirto, talada dadka deegaanka is kal leh dowladda waa saacideysaa, qeyrka iyo wanaaga ayaa la jecelnahay"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aanay diyaar u aheyn inay goboladaas ku soo laabatao colaada iyo dagaaladii qabaa'ilka, isagoo tilmaamay in taasi fursad u siineyso in Al-Shabaab dib u soo laabtaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in xalka Soomaaliya hadii ay dadka Soomaaliyed keeni waayeen aysan cid kale oo shisheeye keeni karin, isagoo tilmaamay inay dhamaatay xilligii is qab qabsiga iyo kala aamin baxa.

"Mushkiladeena waxay u baahan tahay in Soomaalinimo lagu dhameeyo, aduunka xal ma keeni karo, kaliya wey na saacidi karaan, anaga nalaga baahan yahay in xalka naga yimaado"ayuu sii raaciyay.

Muranka dhinaca siyaasada ee ka taagan deegaanada Jubooyinka ayaa noqday mid hareeyay siyaasada dowladda Soomaaliya, iyadoo ay gaartay heer Madaxweynayaasha IGAD ka hadlaan arrimaha xilligan ka jira Kismaayo.

















Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

mahad on May 28 2013
0 Comments · 6465 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
489,525 unique visits