Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa baaritaano xoog leh ka waday xaafadaha degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab, iyadoo guryaha kala soo baxay dhalinyaro badan.
Howlgaladan ayaa ka mid ah howl galadii caadiga ahaa ee ay mudooyinkan ka wadeen ciidamada degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasoo ay guri guri ku baarayeen.
Ciidamada ayaa xiray wadada Buundooyinka ee Ansalooti ee dhex marta labada degmo ee Waabari iyo Xamar Jajab, waxaana ka xaniban gaadiidka kala duwan ee halkaas mara.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka ciidamada ay arkeen, iyagoo wadooyinka taagan, isla markaana dhaq dhaqaaqa ganacsi uu ahaa mid hakad ku jiray.
Howl galadan ayaa ah mid ammaanka magaalada lagu sugayo, inkastoo xaafadaha qaar ay wali ka dhacaan falal amni daro.