Jowhar.com - Somali news Leader
June 18 2013 09:59:51
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Wararkii ugu dambeeyay dagaaladii Kismaayo iyo Xaalada oo yara degan
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyaad kala taabacsan dhinacyada isku haya magaalada, iyadoo dagaalada ay geysteen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah.

Inta la og yahay saddex ruux ayaa ku dhimatay, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana iminka xaalada ay u muuqataa mid yara degan, inkastoo laga cabsi qabo in dhinacyada dagaalamay mar kale isku noqsadaan.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa kala taabacsan Iftin Xasan Baasto oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Jubaland iyo Ciidamada Raaskambooni ee taabacsan Axmed Madoobe oo isna loo doortay xilka.

Iftin Xasan Baasto oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in isagoo doonayay inuu la kulmo wafdiga dowladda ka socda ee uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga la damcay in la qafaasho, hase ahaatee ay ciidamadiisa ka bad baadiyeen.

"Anigoo iridka Hotelka taagnaa ayaa waxay isku dayeen inay i qafaasheen hotelka Casa-casey oo aan rabay inaan kula kulmo madaxda dowladda ka socday, sarkaal caan ah oo la yaqaan ayaana doonayay inuu aniga i xiro, balse ilaaladeeda isoo gurmaday, meesha xoog ayaa uga soo baxsaday"ayuu yiri Iftin Xasan Baasto oo intaa ku daray, in isku weer laga qabtay ka hor inta aanay rasaasta bilaaban.

Waxaa uu sheegay in markii uu gurigiisa tagay lagu soo weeraray, intii wada hadalo uu la lahaa mid ka mid ah saraakiisha maamulka magaalada oo ka raali gelinayay arrinta ku dhacday, isla markaana weerarka ay ku soo qaadeen Ciidamada Ururka raaskambooni.

"Gurigeyga markaa tagay oo aan la kulmay sarkaal ka mid ah maamulka magaalada ayaa gaari tikniko ciidamo watay oo Raaskambooni ahaa isoo weerareen, waana iska difaacay, meesha waxaa ku dhintay labo nin iyo gabar caano gadeysay"ayuu yiri Mr Baasto.

Mr Baasto ayaa sheegay in xaalada ay tahay mid degan, isagoo xusay in magaalada aanay wali ammaan aheyn, isla markaana magaalada nin kasta meeshuu ka degan yahay uu ka maamulo, isagoo ku eedeeyay Ciidamada raaskambooni inay awood is bidayaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in bartamaha magaalada oo ah halka dagaalka ka dhacay ay kala xiran tahay, dhinacyada dagaalamay ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, isla markaana hubka daran doorigana saartay daaraha magaalada.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay baaqyo ka soo yeerayay waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo dalbanayay in aan magaalada ka dhicin wax dagaal ah, markii ay soo baxeen dhinacyada isku hayay maamulka magaalada.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on June 07 2013
0 Comments · 6778 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
477,551 unique visits