Jowhar.com - Somali news Leader
June 19 2013 21:55:55
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Midowga Afrika oo cambaareeyay dagaalada Kismaayo, kuna baaqay in si deg deg loo joojiyo
Midowga Afrika ayaa cambaareeyay dagaaladii ka dhacay Kismaayo, labadii maalmood ee la soo dhaafay, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 15-ruux oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mahamet Salah Annadif ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa ayuu ku sheegay inay aad uga xun yihiin dagaalka aan loo baahneyn, waxaana uu ugu baaqay in khilaafka meel la iska dhigo, lagana faa'ideysto fursadaha ammaan ee dalka ka jira.

"Dadka Soomaaliyed iyo hogaamiyeyaashooda waa inay ka faa;ideystaan nabada ay keeneen ciidamada dowladda iyo AMISOM, si xasilooni, iyo nabad lagu noolaado"ayuu yiri Danjire Annadif.

Mr Annadif ayaa soo dhoweeyay shirweynaha ay ku baaqday dowladda Soomaaliya ee dib u heshiisiinta Jubooyinka, kaasoo horay ay u go'aamiyeen Urur goboleedka IGAD, isagoo ku booriyay hogaamiyeyaasha inay dulqaad isu muujiyaan, kana soo qeyb galaan shirkaas.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in AMISOM ay kala shaqeyneyso IGAD iyo dalal kale sidii loo taageeri lahaa dadaalada socda ee ku aadan dib u heshiisiinta iyo midnimada sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on June 09 2013
0 Comments · 732 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
503,439 unique visits