Jowhar.com - Somali news Leader
June 19 2013 03:32:35
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dhowaan ay qabanayaan shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho ku qabanayaan shirweynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka, isagoo mar kale ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda Kismaayo.

Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah shalay Muqdisho ugu qabteen isaga iyo Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey ayaa waxay si wada jir ah ugu baaqeen dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo inay dagaalka joojiyaan.

"Aad iyo aad baan uga xumahay inaan maqlo dagaalo ka soo cusboonaaday Kismaayo. Waa arrin khaldan in Soomaalida dhexdooda ay is dagaalaan, oo dagaalku ma keeno xal ama hami siyaasadeed"ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqtigii dagaalka uu dhamaaday, isagoo tilmaamay in loo midowgo sidii khilaafka lagu xalin lahaa, isla markaana meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Al-Shabaab sida uu yiri.

"Dowladdu waxey dhowaan qabaneysaa Shir Dib-u-heshiisiineed sidii ay Madaxda IGAD ku heshiiyeen 24kii May 2013, cid kasta waa u furan tahay inay ka soo qeyb gasho shirkaas, dowladda waxay dooneysa in arrintaas nabad lagu dhameeyo"ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya, iyadoo dagaalo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay Kismaayo ay ku dhinteen dad gaaraya labaatan ruux, isla markaana magaalada ay gashay xiisado dagaal,


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on June 09 2013
0 Comments · 1705 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
488,163 unique visits