Jowhar.com - Somali news Leader
June 19 2013 19:44:11
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Sawir qaade Abakar Maxamed Muxidiin (Shaxam Laxam) oo ku geeriyooday shil baabuur
Allaha u naxariistee sawir qaade Abakar Maxamed Muxidiin (Shaxam Laxam) ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sawir qaade Abakar Maxamed Muxidiin ayaa waxa uu ahaa sawirqaade madaxbanaan isla markaana inta badan sawirada Bogga Jowhar.com qaadi jiray.

Sawir qaadaha ayaa waxa uu u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray shil baabuur oo ka dhacay gelinkii dambe ee maanta agagaarka carwadii hore (ex Fiore).

Allaha u naxariistee Abakar ayaa degenaa degmada Xamarweyne waxa uu ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga yaqaan deegaanka uu ku noolaa.

Abakar ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo aad u degenaa, waxaa uu ifka kaga tagay xaas iyo gabar labo sano jir ah.

Waxaa uu saddex jeer shaqo u tagay magaalada Jowhar ee Xarunta Shabellaha Dhexe, halkaasoo uu ka soo duubay muuqaaladii u dambeeyay magaalada.

Tifafatiraha Jowhar.com C/casiis Golf oo ay saaxib dhow ahaayeen ayaa sheegay in Abakar uu ahaa nin aad u fir fircoonaa, isla markaana ahaa nin degan oo af gaabnaa.

Milkiilaha shabakada warbaahinta Jowhar.com Saalax Yuusuf Macalin, Tifatiraha guud ee Jowhar.com Cabdicasiis Xasan Maxamed(Golf) iyo guud ahaan bahda shabakada warbaahinta www.jowhar.com waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee marxuum Abakar Maxamed Muxidiin.


Sawirkan ayaa ahaa Xiintoyda bishii Febraayo mar uu howl shaqo u tagay magaalada Jowhar,



Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

mahad on June 11 2013
0 Comments · 3438 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
501,889 unique visits