Jowhar.com - Somali news Leader
May 23 2013 10:27:30
  • Home
  • Articles
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Iskaashi dhex maray jaamacadaha SIMAD iyo Jaamacad ku taala dalka Malaysia (Sawirro)
Xaflad aad u balaraan oo lagu soo dhaweynayay arday baran doonto waxbarashada sare ayaa jaamacada SIMAD waxa ay maanta ku qabteen hotel Sunrise ee magaalada Muqdisho.

Xafladan oo ay ka soo qeyb galeen mas uuliyiin jaamacada SIMAD ugu sarsareysa iyo marti sharaf kale oo xaflada lagu casuumay iyo ardayda ay u bilaabaneysa waxbarshada sare iyo bahda saxaafada.

Munaasabadaan ayaa waxa ay aheyd mid lagu soo dhaweynnayay arday hada bilaabeesa dufcadii afaraad ee baraneysa Master of Business Administration ( MBA) iyo dufcadii koowaad oo baran doonto Master of Project Management Degrea(MPM).

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadalay madaxa daraasaadka waxbarashada sare ee jaamacada SIMAD Eng. maxamuud maxamed alassow isag oo arday kala hadlay waxyaabaha laga doonayo iyo shuruudaha ay wax ku baran doonaan waxa uuna ardayday kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan sii wadista qeybtaan waxbarashada sare ah.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka jaamacada SIMAD dhinaca hormarinta Ustaad Dahir Xasan Cabdi (Carab) oo isna ardayda u jeediyay guubaabin ku aadan sida la doonayo in ay wax u bartaan,waxa uuna kula dardaarmay in xooga saaraan wax barshada iminka ay galayaan oo nashooda muhiimka u tahay.

Ugu danbeyntii waxaa xafladii soo xeray gudoomiyaha jaamacada SIMAD Ustaad Cabdiraxmaan Max’ed Xusen Odawaa oo dardaaran gaar ah siiyay ardayda waxa uuna si doo kale ku bogaadiyay in ay dhowraan shurrucda ku aadan waxbarashada jaamacada SIMAD,sidoo kale gudoomiyaha jaamacada SIMAD ayaa u mahad celiyay jaamacada Open University Maleysia oo ay barnaamijkaan waxbarsheedka iska kaaashanayaan.

Gabagabadii xaflada ayaa qaarka tirsan ardayda baran doonto qeybahaan Master of Business Administration ( MBA) iyo Master of Project Management Degree (MPM) waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in iminka ay u gudbaan qeybihii ugu danbeysay ee jaamacada.












Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 17 2013
0 Comments · 3151 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
121,727 unique visits