Kooxo hubeysan oo xalay degmada Jowhar ku dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka
Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay Xaafada Horseed Waaxda Faanoole ku dileen nin ka mid ah dadka deegaanka oo aad looga yaqaanay.
Sida ay sheegayaan wararka ninkan oo lagu magacaabi jiray Cali Cumar Barrow oo loo yaqaano Cali Dheere ayaa la dilay, isagoo gurigiisa ku sii jeeday.
"Niman wajiyada soo xirtay ayaa ka dambeeyay dilka, gurigiisa isagoo u socda ayaa la dilay, Mobile, saacad iyo lacag ayuu watay, lagama qaadan"ayuu yiri qof goob jooge ahaa oo diiday magaciisa.
Ninkan ayaa ka mid ahaa Fuundiyaasha magaalada oo caan ka ah magaalada, iyadoo durba dilkiisa la sheegayo inuu salka ku haayo aano qabiil.
Maamulka degmada Jowhar iyo kan Gobolka ayaa wali wax hadal ah ka soo saarin, iyadoo dhowaan ku hanjabay inay tallaabo ka qaadayaan cid kasta oo ammaanka carqalad ku ah.
Dhinaca kale Ciidamada dowladda ayaa xalay xabsiga u taxaabay odayaal ka soo jeeda mid ka mid beelaha dega magaalada Jowhar, kadib markii xalay saqdii dhexe guryaha lagala baxay.
Todobaadyo ka hor ayaa dilal kala duwan iyo isku dhacyo beeleed ka dhaceen deegaano hoos yimaada magaalada Jowhar.