Maxkamad ku taal Koofur Afrika oo damiin ku sii deysay muwaadin Soomaali oo dilay labo nin u dhalatay Zimbabwe
Maxkamad ku taal Tuulo ka tirsan magaalada Pritoria ayaa maanta damiin lacageed oo gaareysa labo kun doolar ku sii deysay Muwaadin Soomaali ah, kaasoo loo heystay inuu dilay labo nin u dhalatay Zimbabwe, kuwaasoo doonayay inay dhac u geystaan goob ganacsi uu lahaa.
Ninkan Soomaaliga oo lagu magacaabo Bishaar Isaaq Bilow ayaa dacwadiisa la qaadi doonaa 17-ka bisha soo socota, isagoo qareenka u doodayay uu ku guuleystay in Maxkamada ku sii deyso damiin,
Maxkamadeynta ninkan Soomaaliga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Soomaali fara badan iyo Ehelada labadii nin ee la dilay ee Zimbabwe u dhashay, iyadoo Garsooraha Maxkamada uu gareystay dhibaatooyinka lagu haayo Soomaalida ku nool dalkaas,
Dacwad oogaha ayaa ku dooday in aan la sii deyn, hadii kale uu dalka ka cararayo, isla markaana ku laabanayo dalkiisa hooyo, waxaana uu ku eedeeyay in isagoo dalka sharci daro ku soo galay uu dilay dad aan waxba galabsan,
Laakiin Bishaar oo su'aalo lagu weydiiyay Maxkamada ayaa gebi ahaanba inkiray eedaha loo soo jeediyay, isagoo sheegay in hubka uu heystay uu ahaa hub sharci ah, isla markaana naftiisa uu difaacayay.
Qareenka u doodayay Bishaar ayaa u sheegay Qaadiga Maxkamada inuu ninkan dalkiisa u carari doonin, isla markaana yahay nin Koofur Afrikan oo heysta dhalashada, hanti fara badana ku leeyahay dalka Koofur Afrika.
Kadib dooda maxkamada ayaa qaadiga ku dhawaaqay in ninkan lagu qaaday weerarka dukaankiisa, isla markaana isaga is difaacaya uu sameeyay falkan, waxaana uu amray in Maxkamada damiin lacageed oo gaareysa 20-kun oo lacagta Koofur Afrika u dhiganta, lacagta doolarkana tahay 2,kun oo doolarka Mareykanka.
Bishaar Isaaq Bilow ayaa iska difaacay todobaadyo ka hor weerar ay goobtiisa ganacsiga ku soo qaadeen burcad u dhashay dalka Zimbabwe, kuwaasoo uu ku dhex dilay goobtiisa ganacsi, waxaana ka dhacay magaalooyinka dalkaas weeraro lagu qaaday goobo ganacsi Soomaali lahaayeen, iyadoo muwaadin Soomaaliyed lagu dilay dhagax, deetana wadada si xun loogu jiiday.